
Axad, June 22, 2008(HOL): Hotelka Jidda ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay Dood Cilmiyeed ku saabsan dhowrista Xuquuqda Caruurta, kaasi oo ay ka qeybgaleen Dad aad u faro badan oo ka socday Bulshada qeybaheeda kala duwan.
Dood Cilmiyeedkan oo uu soo qaban qaabiyay Ururka Ilaalinta Caddaaladda, isla markaana ay maalgelisay Hay’adda NOVIB ayaa wuxuu socday hal maalin, waxaana ujeedka laga lahaa ay ahayd sidii Dadka Soomaaliyeed loogu baraarujin lahaa in ay dhowraan Xuquuqda Caruurta, gaar ahaan kuwa aan xanaanada heysan ee Derbi-jiifka ah.
Furitaankii Aqoon Isweydaarsigan waxaa ka hadlay Agaasime ku xigeenka Ururka Ilaalinta Caddaaladda Maxamuud Cali Maxamed, kaasi oo furitaankii Dood Cilmiyeedka kadib jeediyay khudbad ku aadaneyd ujeedada ay u qabteen Dood Cilmiyeedka, wuxuuna sheegay in kadib markii ay arkeen tacaddiyada loo geysto Caruur badan oo Soomaaliyeed ay go’aansadeen in ay qabtaan Doodo banaanka lagu soo dhigayo dhibaatada ay Caruurta qabaan iyo sida loogu baahan yahay in la dhowro xuquuqdooda.
Agaasime ku xigeenka oo u mahadceliyay Hay’adda Maalgelisay Dood-Cilmiyeedka ee NOVIB wuxuu tusaale u soo qaatay tacaddiyo ay la kulmaan Caruurta Kabaha dhalaaliya, kuwaasi oo uu sheegay in mararka qaarkood ay dhacdo in loo diido lacagta ay xaqa u yeeshaan kadib marka ay qof Kabo u dhalaaliyaan.
Dood Cilmiyeedkan ayaa ka qeybgalayaashii isugu yimid waxay isku aragti ka noqdeen in ay Caruurta Soomaaliyeed ka maqan tahay Xuquuq Aas-aasi ah oo ay lahaayeen, isla markaana iyadoo ay xuquuqdaas ka maqan tahay ay hadana ay u sii dheer tahay in lagu sii xad-gudbo.
Gebagebadii Dood Cilmiyeedkan ayaa waxaa laga soo saaray baaq ku saabsan in la dhowr Xuquuqda Caruurta, isla markaana meel looga soo wada jeesto kuwa ku xad-gudba Xuquuqda aas-aasiga ah ee Caruurta ee ay wada qeexayaan Shareecada Islaamka, Baaqyada Caalamiga ah ee Xuquuqda Caruurta iyo weliba Dhaqanka Suuban ee Soomaalida.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia