Arbaco, July 30, 2008(HOL): Banaanbaxan oo ay soo qaban qaabiyeen dadkii ka barakacay magaalada Muqdisho ee ku nool inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa lagu taageerayay xil ka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).
Dadka banaanbaxan ka qeybgalay oo u badan Dumar iyo Caruur ayaa qaarkood oo saxaafadda la hadlay waxay sheegeen in ay si weyn u taageersan yihiin xil ka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).
Dadkani ayaa sababta ay u taageerayaan xil ka qaadista Guddoomiyihii Gobolka Banaadir waxay ku sheegeen iyadoo sida ay yiraahdeen uu Maxamed Dheere ka soo barakiciyay Guryahooda oo ku yaala Magaalad Muqdisho.
Qaar ka mid ah dadkan ayaa waxay sheegeen in ay haatan dib ugu noqonayaan Guryahooda haddiiba ay yiraahdeen xilkii Guddoomiyenimada Gobolka Banaadir laga qaaday Maxamed Dheere.
Horay waxaa loo arki jiray banaanbaxyo lagu taageerayo mas’uul xil loo magacaabay balse haatan waxay sheekadu taagan tahay in la taageero mas’uul xil ka qaadis lagu sameeyay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia