Arbaco, July 30, 2008(HOL): Waxaa sii xogeysanaya cabashada la xiriirta Xaaladda Nolasha dadkii dhawaan ka barkacay dagaaladii ka dhacay Magaalada Beledweyne oo wararku sheegayaan in ay mareyso meel aad u hooseysa.
Qoysaska ama dadka barakacu saameeyay oo markii horeba ahaa kuwo xoogood ku nool ah islamarkaana quudan jiray waxa ay maalintaa soo helaan oo kaliya ayaa hadda u baxay dhul cid la'ah kana fog magaalada taasoo sababtay in ay waayaan Nolal ku filan, gaar ahaan waxaa siweyn looga deyrinaya Xaaladda caruurta Qoysaska barakacay oo qaarkood bilaabay in ay shubmaan.
Hay'adda Bisha Cas ee ka howl-gasha Gobalka Hiiraan oo maalmihii aynu soo dhaafnay siweyn ugu mashquulsaneyn la socoshada dhibaatada ka dhalatay dagaalkii dhawaan ka dhacay Magaalada Beledweyne ayaa Mas'uuliyiinteedu waxaa ay HOL u sheegeen in hadii aan si deg deg ah loo helin gacan taageero oo la siiyo dadka barakacay xaaladu meel halis ah gaari doonto, waxaana ay hay'addu intaa ku dartay in dadka barakacay ka mid yihiin kuwo horay u soo barkacay.
'''Ma'heystaan Biyo Nadiif ah iyo cuno ku filan, waxaana Biyaha kaliya oo ay heli karaa dadkaa yihiin kuwa Wabiga oo xiliggan ah mid siweyn u wasaqeysan , waana tan keentay in Caruur badan uu hadda soo rido cudurka Shubanka, ayeey sheegtay hay'adda oo intaa ku dartay in Nafqadaradu u dheer tahay.
Meelaha ugu daran ee cabashadu ka imaneyso ayaa waxaa ka mid ah dhulka fog ee Miiga ah oo markii horeba iska ahaa dhul Jiilalku saameeyn adag ku reebay, halka kuwa ku barakacay deegaanada ku dhaw dhaw Magaalada u muuqdaan kuwo dhinaca Nolasha wax xoogaa ku dhaama kuwa iyagu gaaray dhulka Miiga ah.
Odayaasha dhaqanka Gobalka oo dhinacooda maanka ku haya dhibaatada soo food saartay dadkii dhawaan ka cararay dirirtii ka dhacay Magaalada Beledweyne oo qaarkood aan la xiriirnay ayaa waxaa ay sheegeen in sababaha loo dadajinayo wada hadalka socda yihiin sidii dadku dib ugu soo laaban lahaa, walow taa ay adag tahay marka loo eego shikiga dadku ka qaban amaanka inta Ciidamada Itoobiyaanku joogaan gudaha Magaalada.
Dhinaca kale waxaa jira Codsiyo loo jeedinayo hay'addaha Samafalka iyo Jaaliyadaha diba si markaa loo caawiyo dadka ka barakacay Magaalada oo ay la soo darseen daruufo dhinaca Nolasha ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia