Maxkamadaha Islaamka iyo Ururka Al-Shabaab oo sheegay in Mareykanka uu dib loo soo nooleynayo Isbaheysigii La-dagaalanka Argagixisada

Arbaco, July 30, 2008(HOL): Afhayeenno u kala hadlay maxkmadaha Islaamka iyo Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa sheegay in uu socdo qorshe uu Mareykanka dib ugu soo nooleynayo Isbaheysigii La-dagaalanka Argagixisada.

Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa sheegay in Mareykanka uu mar kale isku dayayo in uu soo nooleeyo Isbaheysiga la-dagaalanka Argagixisada oo ay ku mideysnaayeen Hoggaamiye kooxeedyadii Soomaaliya, wuxuuse sheegay in ay mar kale la dagaallamayaan Hoggaamiye Kooxeedyadaas.

Abuu Mansuur waxaa uu sheegay inay la socdaan qorshaha uu Mareykanka ku doonayo inuu ku soo celiyo Isbaheysigaas, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay weliba ogyihiin in lagu soo biirinayo Hoggaamiye kooxeedyo kale oo hor leh.

Sidoo kalena Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/raxiin Ciise Caddow ayaa isna sheegay in ay dib u soo nooleynta Isbaheysigaas u yimaadeen Soomaaliya Saraakiil ka tirsan CIA-da Mareykanka, kuwaasi oo wada hadallo la qaatay qaar ka mid ah Hoggaamiye Kooxeedyada Soomaalida.

C/raxiin Ciise Caddow waxaa uu sheegay in aysan waxba u arkeynin dib u abaabulidda lagu wado Isbaheysiga La-dagaalanka Argagixisada, wuxuuna sheegay in ay mar kale la dagaallami doonaan haddii ay dib u soo noqdaan Hoggaamiye kooxeedyadaas.

Hadalka ay labadan Afhayeen sii daayeen ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay Xildhibaannada Beelaha Digil iyo Mirifle ugu jira Dowladda Federaalka oo Baydhabo shir ku yeeshay ay sheegeen inay la dagaallami doonaan Xoogagga Al-Shabaab oo ay sheegeen in ay falal nabadgelyo ah ka wadaan deegaannada ay degaan Beelaha Digil iyo Mirifle.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia