Arbaco, July 30, 2008(HOL): Saaka barqanimada ayaa Isgoyska Afarta Jardiino ee magaalada Muqdisho waxaa isku rasaaseeyay Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federalka Soomaaliya.
Ciidamadan oo ka kala tirsan Saldhigyada Booliska Degmooyinka Yaaqshiid iyo Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa la sheegay in ay is-rasaaseyntooda salka ku heysay muran ka dhashay lacag laga qaado gaadiidka isaga kala goosha Isgoyskaas.
Is-rasaaseynta labada ciidan dhexmartay oo qadar daqiiqado ah socotay ayaa waxay sababtay in ay geeriyoodaan labo askari oo ka tirsan Ciidamadii ay dirirta dhexmartay, iyadoo sidoo kalena uu dhaawac soo gaaray Askari kale.
Wararkii ugu dambeeyay ee Isgoyskaas naga soo gaarayna waxay sheegayaan in xaaladda ay haatan degan tahay, isla markaana ay dib u bilowdeen dhaqdhaqaaqyadii Dadka, Ganacsiga iyo Gaadiidka.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay is-rasaaseyaan Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana horay u jiray dhowr jeer oo hore oo ay meelo Muqdisho ka mid ah isku rasaaseeyeen Ciidamo ka wada tirsan Dowladda, iyadoo taasina ay dad badan ku fasireen in aysan Dowladda Federaalka si cad ugu kala qeexin maamulladeeda Degmooyinka halka ay soohdimahooda ku kala egyihiin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia