Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Guddi u magacawday maamul u sameynta Gobolka Banaadir

Arbaco, July 30, 2008(HOL): Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa lagu magacaabay Guddi ka shaqeyn doona maamul u sameynta Gobolka Banaadir.

Guddigan oo 13 xubnood ka kooban ayaa waxay isugu jiraan xubno Wasiirro ah iyo Xubno lagu sheegay in ay hayaan mas’uuliyad Qaran, waxayna howshoodu tahay in ay ka shaqeeyaan maamul u sameynta gobolka Banaadir oo shalay Guddomiyihiisii Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) xil ka qaadis lagu sameeyay.

Howsha Guddigan ayaa waxay tahay:

Xaqiijinta  xil isku wareejinta Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) iyo Ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Maxamed Cusmaan Cali (Dhagax-tuur).

Diyaarinta iyo isku xirka dhismaha Golaha Deegaanka ee Maamulka loo sameyn doonoGobolka Banaadir.

U kuur-gelidda Xaaladda Ammaan ee Gobolka Banaadir.

Ku wacyigelinta  iyo u faahfaahinta Dadka ku dhaqanka Gobolka Banaadir Maamulka loo sameynayo Gobolka.

Kormeeridda sida ay u socdaan dadaallada maamulka loogu sameynayo Gobolka Banaadir.

Iyo diyaarinta Shirweynaha lagu dooranayo maamulka Gobolka Banaadir, kaasi oo qaab dhismeedkiisa uu ka duwanaan doono Maamulkii hore ee Gobolka.

Guddigan loo magacaabay maamul u sameynta Gobolka Banaadir ayaa sida ku xusan Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha waxaa uu la shaqeyn doonaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu siin doonnaa warbixinno ku saabsan hadba meesha ay mareyso maamul u sameynta Gobolka Banaadir.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia