Waddo tagta Degmada Gal-dogob oo 26 sano kadib maanta la furay

Cabirka Farta

Khamiis, July 17, 2008(HOL): Waxaa Maanta lagu guulaystay in dib loo furo mid ka mid ah Waddooyinkii soo gali jiray Degmada Galdobgob ee Gobolka Mudug , kadib markii ay Wadadaasi u xirneyd sabab la xiriirta Miinooyin iyo Walxaha Qarxa oo ku Aasanaa muddo 26 Sano ah.

Ciidmada Booliska  Dawlad Goboleedka Puntland, gaar ahaan kuwa qaabilsan baarista Walxaha Qarxa ayaa ku guulaystay in Wadadaasi ay dib u faraan kadib markii ay ka sifeeyeen dhamaan walxaha warxa oo horay ugu aasnaan jiray qeybo ka mid ah Degmadaas.

Wadadaan Maanta dib loo furay ayaa xirnaanshaheeda uu salka ku hayay Miinooyin lagu aasay xiligii uu socday dagaalkii u dhaxeeyay Dowladihii Soomaaliya iyo Itoobiya , kuwaasi oo Curyaamiyay wixii dagaalkaasi ka dambeeyay Baabuurta iyo Rakaabkii Isticmaali jiray Wadadaasi.

Waxyaabaha Qarxa ee laga soo saaray Wadada la furay ayaa isugu jiray noocyo kala duwan ee Miinada, kuwaasi oo lagu soo kala farsameeyay Wadamo ay ka mid yihiin Ruushka iyo Masar, waxaana soo saarista Miinooyinkaas soo dhaweeyay in badan oo ka mid ah Shacabka ku dhaqaan deegaannada hoos taga Gobolka Mudug, gaar ahaan Degmada Gol-dogob.

Wadaadaan dib loo furay ayaa u sahli doonta dadka iyo Gaadiidka u safra Degmada Galdobgob in ay si sahlan ku tagaan Degmadaasi oo ahayd mid xirnayd Muddo ka badan 26 sano.

Sarkaala ka tirsan Ciidamada ku guulaystay in ay dib u faraan Wadadaan ayaa sheegay in tababar ay ku soo qaateen Wadamada South Afrka, Swedan iyo Ingriiska ,waxaana uu intaasi ku daray in la sii balaarin doono Miino baarista ay ka hayaan Waddooyinka soo gala Degmada Galdogogob ee Gobolka Mudug.

Wadooyinka qaar ee Degmadaasi Galdogob ayaa baryihii u dambaysay ahaa kuwa si aad ah ay uga cabsi qabeen dadka iyo Gaadiidka u safri jiray Degmadaasi , kuwaasi oo baqayay in ay waxyeello ka soo gaarto Miinooyin laga sheegay Wadadaas.

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bossaso,Somalia