Xoogagga Al-Shabaab oo xalay weerar ku qaaday fariisin ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin gudaha Degmada Baydhabo

Cabirka Farta

Khamiis, July 17, 2008(HOL): Xoogag ka amar qaata Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa xalay waxay weerar ku qaadeen fariisin ay Ciidamada Dowladda Federaalka ku leeyihiin gudaha Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay.

Fariisinka ay weerareen Xoogagga Al-Shabaab ayaa wuxuu yaallaa Xaafadda Mursal ee Magaalada Baydhabo, waxaana halkaas laga maqlayay rasaas ay isku ridayeen Ciidamada Dowladda iyo Xoogagga weerarka ku soo qaaday.

Lama soo werin ilaa iyo haatan wax khasaare ah oo uu iska hor-imaadkaas geystay, waxaana si caadi u socda saaka dhaqdhaqaaqa Dadka, Gaadiidka iyo weliba ganacsiga, inkastoo aysan dadka ka ag-dhawaaneynin fariisinka Ciidamada ee xalay la weeraray.

Xoogagga Al-Shabaab ayaa dhawaan waxay weerar ku qaadeen Xerada Deynuunaay oo ay ku jiraan Ciidamo badan oo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, ka sii horena waxay weerar madaafiic loo adeegsaday ku qaadeen afar goobood oo ku yaala Magaalada Baydhabo, kuwaasi oo fariisimo u kala ahaa Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa wuxuu sheegay in ay bilowdeen weerarro ay ku qaadi doonaan Magaalada Baydhabo oo uu sheegay in ay afarta gees ka joogaan, isagoo weliba ugu baaqay Kooxaha Dagaalka kala soo horjeeda Dowladda in ay Baydhabo tagaan oo markaasina ay ka qeybqaataan dagaal uu sheegay in Dalka Soomaaliya lagu xoreynayo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia