Khamiis, July 17, 2008(HOL): Dagaal xooggan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saaka aroortii waxaa uu ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ee Gobolka Banaadir.
Dagaalkan oo ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Miisaanka Dhuxusha ilaa Warshaddii Baastada ayaa wuxuu geystay khasaare soo gaaray dad rayid ah oo ku noolaa xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Hurwaa, waxaana madaafiic ku dhacday Xaafadaha Waxar-Cadde iyo Al-Caddaala ee Degmada Huriwaa ay geysteen dhimashada dad shan ruux ka badan iyo tiro dhaawac ah oo intaas ka badan.
Dagaalkan ayaa waxaa sheegtay in ay qaadeen Xoogagga Maxkamadaha Islaamka oo Afhayeenkooda howlgallada C/raxiin Ciise Caddow uu sheegay in ay saaka weerar ku qaadeen fariisimo ay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ku leeyihiin qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha iyo fariisimo kale oo ay Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Xarunta Warshaddii Baastada iyo Xarunta Warshaddii Xeyla Bariise.
C/raxiin Ciise Caddow waxaa uu sheegay in ay halkaas khasaare ugu geysteen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, dhankoodana wuxuu sheegay in ay dagaalka uga geeriyoodeen labo dagaalyahan.
Laakin Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Muxyaddiin Xasan Jurus oo wax laga weydiiyay in dagaalka khasaare ka soo gaaray Ciidamada Dowladda, isla markaana lagala wareegay fariisimo ay ku sugnaayeen ayaa wuxuu sheegay in ay wararkaas been yihiin, isla markaana ay Ciidamada Dowladda ku sugan yihiin fariisimadooda.
Ma jirto ilaa iyo haatan cid labada dhinac ka madax bannaan oo xaqiijisay khasaare labada dhinac ka soo gaaray dagaalkii saaka dhexmaray oo ay isugu adeegsadeen madaafiic xooggan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia