Khamiis, July 17, 2008(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in aan la dayicin Ciidamo Soomaali ah oo dhawaan lagu soo tababaray gudaha dalka Itoobiy.
Shiikh Aadan Madoobe waxaa uu sheegay in Ciidamada la soo tababaray ay yihiin kuwo tababar fiican soo qaatay, isla markaana uu dhaqaale badan ku baxay, sidaas darteedna wuxuu ku baaqay in ay dowladda ka faa’iideysato tababarka ay soo qaateen.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa wuxuu ka digay in Ciidamada la soo tababaray ay la mid noqdaan kuwo horay loogu soo tababaray Dalka Itoobiya oo kadib markii ay daryeel waayeen Suuqyada iska galay.
Wuxuu sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka in Ciidamada Dowladda ee tababarka soo qaatay si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo, wuxuuna carrabka ku dhuftay in haatan ay wanaagsan niyadda Ciidamadaas, ayna diyaar u yihiin in ay si daacadnimo ah u shaqeeyaan.
Ciidamadan uu sheegayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay isugu jiraan Boolis iyo Mileteri, waxayna gudaha dalka Itoobiya ku soo qaateen tababar socday muddo dhowr bilood ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia