Khamiis, July 17, 2008(HOL): Mas’uul ka tirsanaa maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa saaka Kooxo hubeysan waxay ku toogteen gudaha Degmadaas.
Mas’uulka la dilay ayaa wuxuu madax ka ahaa mid ka mid ah Waaxaha hoos-taga Degmada Wadajir, waxaana la toogtay xili uu saaka u soo kacay howl-maalmeedkiisa.
Goobta uu ka dhacay dilka marxuumka ayaa waxaa yimid ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo rasaas ku kala eryay dadkii ka dhawaa halka uu dilka ka dhacay, iyadoo kadibna ay qaadeen meydka marxuumka.
Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa muddooyinkana waxaa ka dhacayay dilal loo geysanayo dadka u shaqeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, haba ugu badnaadeen mas’uuliyiinta degmooyinka Gobolka Banaadir.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia