Isniin, January 07, 2008(HOL): Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa saacadihii aynu ka soo gudubnay waxaa ka socday shirar gooni gooni ah oo ay leeyihiin Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo u kala jira kuwo taageersan Xukuumadda tirada yar ee uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo kuwo kale oo ka soo horjeeda.
Xildhibaano tiro badan oo la baxay Kudlada Baarlamaanka, isla markaana taageersanaa Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa maanta waxay shir ku yeesheen Hotelka Bakiin ee magaalada Baydhabo, iyadoo la sheegay in ujeedada shirkoodana uu ahaa sidii ay uga soo horjeesan lahaayeen ansixinta Xukuumadda uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.
Xildhibaano ay ka mid yihiin Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, C/llaahi Shiikh Ismaaciil, Mowliid Macaani Maxamuud iyo kuwo kale oo ku fikir ah ayaa waxay qabaan in Xukuumadda uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ay tahay mid aan lahayn tayadii looga baahnaa, sidaas darteena aysan gudan karin waajibaadka hor-yaala, tiiyoo Xildhibaano kale oo uu ka mid yahay Mowliid Macaani-na ayba ku doodayaan in la qadiyay Beelahooda, sidaasna ay Xukuumadda uga soo horjeedaan.
Maalinta berri ah ayay wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo sheegayaan in Xukuumadda cusub iyo barnaamijkeeda la hor-geyn doono Baarlamaanka Soomaaliya, si ay mudanayaasha Baarlamaanka codkooda kalsoonida u siiyaan ama ay ugu diidaan.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo ka hadlay xaflad lagu dhaarinayay qaar ka mid ah Xubnaha Xukuumadda cusub ee Soomaaliya ayaa waxay labaduba rajo ka muujiyeen in uu Baarlamaanka ansixin doono Xukuumadda xubnaheeda la soo yareeyay ee lagu soo koobay 23-ka Wasiir (18 Wasiir iyo 5 Wasiir ku xigeen), inkastoo ay dad badan oo ka hadla Siyaasadda Soomaaliya ay saadaalinayaan in ay adkaan doonto si ay codka kalsoonida u hesho Xukuumad ay inta badan bannaanka ka yihiin Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.
Xukuumaddii hore ee uu Ra’iisal Wasaaraha ka ahaa Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa waxaa u badnaa Xildhibaannada Baarlamaanka, waxaana la rumeysan yahay in uu cumrigeeda ku seddex sano jirsaday Xildhibaannada ku jiray aawadood, kuwaasi oo mar kasta difaacan jiray, ilaa ugu dambeyntii iyadoo la ridi la’ yahay uu is-casilay Ra’iisal Wasaaraheedii Prof. Cali Maxamed Geeddi.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia