Isniin, January 07, 2008(HOL): Fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa xalay lagu weeraray magaalada Muqdisho, iyadoo weerarradaasina ay ahaayeen kuwo la isugu adeegsaday Madaafiicda Hoobiyayaasha.
Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga oo ay ku sugan yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Xaruntii Guul-Wadayaasha oo fariisin u ah Ciidamada Birmadka Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxaa weerar ku qaaday kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda siyaasadda Dowladda Federaalka iyo weliba joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya.
Ilaa 10 madfac oo lagu tuuray Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga ayay Ciidamo Itoobiyaan ah oo halkaas ku sugan waxay ku jawaabeen madaafiic kale, kuwaasi oo ku dhacay Xaafadda Barwaaqo ee Degmada Deyniile.
Dad goob-joogayaal ah oo ku sugan Xaafadda ay madaafiicda ku dhaceen ayaa waxay sheegeen in Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Cabdi Cali oo ka soo baxay Masjid xaafaddaas ku yaala uu u geeriyooday firir ka soo gaaray Madfac ku dhacay Masjidkii uu ka soo baxay, halka uu dhaawac soo gaaray labo ruux oo kale.
Weerarka xalay lagu qaaday fariisimadaas ayaa wuxuu qeyb ka yahay weerarro inta badan xiliyada habeenkii ka dhaca magaalada Muqdisho oo lagu qaado fariisimada ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, iyadoo weerarkii xalayna uu ku soo beegmay xili habeennadii la soo dhaafay ay magaalada Muqdisho ka dhacayeen iska hor-imaadyo xooggan oo midkii ugu dambeeyay lagu qaaday Saldhigyada Booliska Degmooyinka Hodan iyo Waaberi.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia