Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo la dhigay Isbitaalka Cromwell ee magaalada London

Isniin, January 07, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa markii labaad muddo bil gudaheed ah waxaa la dhigay Isbitaalka Cromwell ee magaalada London, kadib markii uu xanuun soo food-saaray.

Safiirka Dowladda Soomaaliya uga wakiilka ah Midowga Yurub Danjire Yuusuf Maxamed Ismaaciil Bari-Bari ayaa wuxuu u sheegay Wakaaladda Wararka Reuters in madaxweynaha uu isagoo xaalkiisa wanaagsan yahay uu gaaray Magaalada London, wuxuuna caddeeyay in madaxweynaha uu dib ugu laabtay Isbitaalkii uu dhawaan ka baxay sabab la xiriirta in uu soo qaato jawaabaha baaritaano lagu sameeyay, sidoo kalena haddii uu u baahdo baaritaano kale uu marayo.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo 73 sano jir ah ayaa bil ka hor waxaa la dhigay Isbitaal ku yaala magaalada Nairobi, halkaasi oo looga daweeyay Burukiito heysay, iyadoo kadibna uu Magaalada London u aaday baaris caadi ah oo uu sanadkiiba mar isku sameyn jiray.

10 sano ka hor ayay ahayd markii Madaxweynaha Isbitaal ku yaala Magaalada London loogu geliyay Beer, iyadoo wixii mudadaas ka dambeeyayna uu sanad kasta hubiyo sida uu u shaqeynayo Beerka loo geliyay.

Madaxweynaha ayaa Jimcihii aynu ka soo gudubnay waxaa uu diyaarad gaar ah oo ay u soo dirtay Dowladda Itoobiya waxaa uu ka raacay magaalada Baydhabo, iyadoo markii ay duushay diyaaraddii qaadayna ay soo baxeen warar sheegayay in madaxweynaha arrimo caafimaad aawadood loogu qaaday magaalada Addis Ababa, walow ay warkaasi beeniyeen Afhayeenkiisa Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub-sireed) iyo Jabriil Maxamed Shiikh oo ka tirsan Qunsuliyadda Soomaalida ee Itoobiya.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa todobaad ka hor ka soo laabtay socdaal caafimaad oo uu ku tegay dalka Ingiriiska waxaana uu sheegay in uu caafimaadkiisa wanaagsan yahay, isla markaana uu soo qaatay seddex todobaad oo daweyn ah.

Dhanka kalena, warar aan ka helnay magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ay diyaarad ka wada qaaday Magaalada Addis Ababa, isla markaana ay geysay Magaalada London, iyadoo aan la ogeyn in labada Mas’uul ku wada hadleen gudaha Diyaaradda ay  wada saarnaayeen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia