Isniin, January 07, 2008(HOL): Ku-simaha Madaxweynaha , ahna Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin , ayaa shalay soo saaray Xeer Madaxweyne oo Lambarkiisu yahay 307, kuna saabsan Cusboonaysiinta xilka iyo Muddo Kordhinta Guddida Maamusha Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa.
Sidaa waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu shalay soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadda Siciid Ducaale Mooge, waxana warsaxaafadeedku intaa ku daray oo yidhi. “Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin isaga oo arkay Qodobka 90-aad ee dastuurka iyo Qodobka 75-aad , isla markaana tix gelinaya Maamulka iyo Maaraynta toosan ee guddidu ka Muujisay Cisbitaalka guud eeHargeysa iyo iyagoo kaalin wax ku ool ah ka gaystay horumarinta iyo adeegyada Cusbitaalka guud mudadii ay maamulkiisa gacanta ku hayeen waxa uu go’aansaday in Muddo Afar sanadood ah oo kale loogu daro Mudada ay xilka Cisbitaalka Maamulkiisa gacanta ku hayn doonaan, taasi oo ka bilaabmi doonta Bishan January sanadkan 2008.
Guddidaasi loo kordhiyay sii haynta xilka Maamulka Cusbitaalka guud ee Hargeysa oo mar walba ku dhaqmi doona Siyaasada iyo qorshaha Wasaarada Caafimaadku u dajisay Maamulka Cisbitaalka , waxay yihiin magacyada hoos ku qoran:
1.Mudane Maxamed Xuseen Caabi Gudoomiye
2.Muane Dr. Aadan Yuusuf Abokor G/xigeen
3. Marwo, Saakin Jirde Xuseen Xubin
4. Mudane, Xasan Cali Muuse Xubin
5. Marwo, Aamina Yuusuf Aar Xubin
6. Mudane , Dr Yaasiin Carab Cabdi Xubin
7. Mudane , Barre Warsame Shire Xubin
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland