Ciidamo Itoobiyaan ah oo gaaray deegaannada u dhaxeeya Matabaan iyo Bacda ee Gobolka Hiiraan

Isniin, January 07, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa goor dhaw gaaray Inta u dhaxeysa Degmada Matabaan iyo Deegaanka Bacda oo ka wada tirsan Gobalka Hiiraan.
 
Ciidamada ayaa sida ay wararku sheegayaan waxaa ay la wareegeen Mudo koobana Fariismo ay la haayeen kooxo maleeshiyo ah iyo Qaar ka mid ah Ciidamada Dowlada Federaalka kadib markii maalintii shalay iska hor-imaad ku dhax-maray Degmada Matabaan Maleeshiyo Jid-gooyo u tiilay iyo Kooxo soo weeraray oo sida la sheegay diidanaa Jid-gooyada Maleeshiyada.
 
Sida HOL ay u sheegeen qaar ka mid ah gadiidleyda ku safarta watada isku xirta Gobalada dhaxe waxaa ay Ciidamada Itoobiyaaku Baaritaano ku sameynayeen Gadiidka iyo dadka saaran intaba, iyaga oo dhanka kalana weydiinayay hadii ay jiraan kooxo hubeysan oo ay soo arkeen intii ay watada ku soo jireen.
 
Qaar ka mid ah Mas'uuliyiita Maamulka Gobalka oo ay HOL arintaa wax ka weydiisay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan, lakiin waxaa ay sheegeen in Ciidamada Itoobiyaaku u joogaan gobalka sugida Nabad-galyada guud sidaa daraadeed suurta gal tahay in ay tagaan goob kasta oo laga soo sheego falal amaanka wax u dhimi kara.
 
Laakiin warar goor dhaw soo baxay ayaa sheegaya in Ciidamadu yihiin kuwo saacado kooban halkaa joogaya si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaq Maalmihii aynu soo dhaafnay kooxo hubeysan ka wadeen qeybo ka mid ah gobalada dhexe.
 
Maalmihii ina dhaafay ayaa waxaa ka jiray qeybo ka mid ah gobalada dhaxe iska hor-imaadyo u dhaxeeya kooxo maleeshiyo ah iyo Ciidamada Dowlada Federaalka, kasoo sababa dhamasho iyo dhaawac soo gaara dhinacyada dagaalku dhaxmaro, waxaana aritani ay keentay in ciidamada Itoobiyaaku bilaabaan Howl-galo lagula soconayo xaalada Nabad-galyo watada isku xirta gobalada dhexe oo ah meelaha inta badan iska hor-imaadku ka dhaco,
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia