Arbaco, January 23, 2008(HOL): Wafdi sare oo ka socday Midowga Afrika ayaa maanta wuxuu booqday caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo wafdigaasina uu u socday labo ujeeddo.

Said Djinit oo ka tirsan Guddiga Golaha Ammaanka Midowga Afrika u qaabilsan Nabadda iyo Ammaanka
Wafdigan oo uu hoggaaminayay Danjire Said Djinit oo ka tirsan Guddiga Golaha Ammaanka Midowga Afrika u qaabilsan Nabadda iyo Ammaanka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo weliba saraakiisha Ciidamada Amison ee Muqdisho ku sugan.
Danjire Said Djinit oo wax yar kadib markii uu soo degay wariyayaasha kula hadlay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in ujeedada socdaalkooda ay kooban tahay labo ujeeddo oo kala ah in ay la kulmaan Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, Xubnaha Golahiisa Wasiirrada iyo Saraakiisha kale ee Dowladda Federaalka iyo weliba in ay soo eegaan howshaay Ciidamada Amisom ka hayaan Magaalada Muqdisho.
Intaas kadib xubnaha wafdiga ayaa waxaa loo kaxeeyay dhinaca Xarunta Villa Somalia oo haatan fariisin u ah Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, halkaasi oo uu ka dhacay kulan dhexmaray Wafdiga Midowga Afrika iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, iyadoo kulankaasina uu ahaa mid saxaafadda loo diiday.
Socdaalka uu Wafdigan ku tegay caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho oo ah mid aanu ammaankeeda hagaagsaneyn ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo todobaadka soo socda ay Madaxda Midowga Afrika shir ka yeelan doonaan Arrimaha Dalka Soomaaliya.
Danjire Said Djinit ayaa dhawaan sheegay in kulanka ay todobaadka dambe isugu imaanayaan madaxda Midowga Afrika uu yahay mid xasaasi ah oo looga hadlayo xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan Ciidamada Midowga ee loo dirayo Soomaaliya, wuxuuna intaas ku daray Said Djinit in shirkaas la hor-geyn doono warbixin ku saabsan arrimaha Soomaaliya oo uu soo diyaariyay Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia