Shir lagu soo dhaweynayay ballanqaadyo waxqabad oo uu soo qadimay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo Muqdisho lagu qabtay

Arbaco, January 23, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa shalay waxaa lagu qabtay shir lagu soo dhaweynayay ballanqaadyo waxqabad oo uu dhawaan soo qadimay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

Shirkan oo ay ka qeybgaleen, Siyaasiyiin si weyn looga yaqaano Soomaaliya, Culumaa’udiin iyo Xubno ka socday Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa ujeedada loo qabtay waxay ahayd sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho, iyo weliba sidii loo bogaadin lahaa seddex qodob oo uu sheegay in uu ku shaqeynayo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde kadib markii la magacaabay, kuwaasi oo kala ahaa in uu ka shaqeynayo Nabadda, Dib-u-heshiisiinta iyo Fududeynta Gargarka Bani’aadannimada.

Guddoomiyaha Hay’adda Isku Xirka Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha INXA C/naasir Axmed Cusmaan oo kulankaas kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay garteen in ay mudan tahay in la soo dhaweeyo qorshe howleedyada uu ku shaqeynayo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, sababtaas darteedna ay isugu yimaadeen.

C/naasir Axmed Cusmaan waxaa uu intaas ku daray in  marka laga soo tago in la soo dhaweeyay qorshaha Ra’iisal Wasaaraha kadib ay isla guddoonsadeen in ay sameeyaan Guddi 15 Xubnood ka kooban kaasi oo ka shaqeynaya sidii waan waan looga dhex furi lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda.

Xubnaha Guddiga ayaa waxaa 8 ka mid ah waxay ka imaanayaan Siyaasiyiinta, Odayaasha iyo Culumaa’udiinka, halka 7 kalena ay ka imaanayaan Ururrada Bulshada Rayidka, “Waxaan rajo wanaagsan ka qabnaa in guddigan uu kaalin mug leh ka ciyaari karo isu soo dhaweynta dhinacyada isku haya Soomaaliya waayo guddiga la magacaabay waxaa ku jira Dad labada dhinacba ay isku wanaagsan yihiin”ayuu yiri C/naasir Axmed Cusmaan.

Dhanka kalena, gunaanadkii shirkaas ayaa waxaa laga soo saaray baaq loo jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ahaa in la furo waddooyinka Muqdisho ee xanibay isu socodka Muqdisho, in dagaallada la joojiyo iyo in gargaar deg deg ah  lala gaaro Dadka ka barakacay magaalada Muqdisho ee ku sugan inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Wuxuu ahaa kulankii ugu horeeyay oo ay isugu yimaadaan Siyaasiyiinta, Culumaa’udiinka iyo Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu xumaaday Ammaanka Magaalada Muqdisho, iyadoo xiligaas ka hor ay dhici jireen shirar noocan oo kale oo looga hadlayo hadba meesha ay mareyso Xaaladda Dalka Soomaaliya.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia