Arbaco, January 23, 2008(HOL): Waxaa la sii daayay oo xoriyaddiisii dib u helay Agaasimaha Idaacadda Qur’aanka Kariimka ee Magaalada Muqdisho Yuusuf Shiikh Maxamed Barrow kadib muddo 53 maalmood ah oo uu ku jiray Xabsi ay maamusho Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Agaasimaha oo markii la sii daayay kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu xoriyaddiisa dib u helay, isla markaana uu u mahadcelinayo intii u ololeysay sii deyntiisa.
“Aad baan u faraxsanahay waayo waxaan dib u helay xoriyaddeyda, waxaana sidoo kale farxaddaas ila qeybsanaya Ehelladeyda iyo Asxaabteyda”ayuu yiri Yuusuf Shiikh Maxamed Barrow oo sheegay in uu sii wadanayo howshiisa shaqo.
Agaasimaha Idaacadda Qur’aanka Kariimka Yuusuf Shiikh Maxamed Barrow waxaa uu intaas ku daray in intii uu xirnaa si wanaagsan loola dhaqmay, wuxuuna caddeeyay in aysan jirin cid dhibaato u geysatay oo ka tirsan Ciidamadii gacanta ku hayay.
“Marka laga reebo in ay iga maqneyd xoriyaddii aan aas-aasiga u lahaa ma jirin dhibaato kale oo la ii geystay, waa la i soo booqanayay, wixii aan u baahdana waa la ii keenayay”ayuu yiri Yuusuf Shiikh Maxamed Barrow oo sheegay in markii la soo derynayay kaliya loo sheegay in baaris lagu hayay haatanna ay baaristii u dhamaatay, uuna fasax yahay.
Sii deynta Agaasimaha Idaacada Qur’aanka Kariimka IQK ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo ay weli xiran yihiin Agaasimaha Idaacadda Somaliweyn C/raxmaan Maxamed Xasan Xudeyfi, Wariye Bashiir Maxamed C/qaadir oo ka tirsan Wariyayaasha Idaacaddaas iyo weliba Wariye Maxamed Shidane Dabaan, kuwaasi oo ay dhamaantooda xireen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xarigga wariyayaashan ayaa waxaa dhawaan lagu wargeliyay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Wasiirkiisa Warfaafinta Axmed C/salaan xili ay ka qeybgelayeen xus loo sameeyay maalinta Warbaahinta Soomaaliyeed oo ku beegneyd 21-kii Janaayo ee aynu ka soo gudubnay, iyadoo ay labada mas’uulna ballanqaadeen in la dhowri doono Madax Bannaanida Saxaafadda iyo Xoriyadda hadalka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia