Arbaco, January 23, 2008(HOL): Waxaa siweyn isu soo taraya Muranada u dhaxeeya NGO's ka howl-gala Magaalada Beledweyne kadib markii uu soo ifbaxay khilaaf la xiriira qaabka hey'addaha samafalku Deeqaha u gaarsiinayaan Xeryaha ay dagan yihiin dadka ka soo Barakacay Dagaalada Muqdisho.
Xeryaha Doon-subagle iyo Nasiib oo ah xeryaha ugu badan ee deegaanada ugu ah dadka ka soo barakacay dirirta ka socta Magaalada Muqdisho ayaa habeenimadii xalay waxaa ka dhacay is hor-imaad aan wax qasaare ah geysan kaasoo u dhaxeeya Maleesho kala taabacsan Qaar ka mid ah NGO's khilaafku u dhaxeeyo, tasoo keentay in qaar ka mid ah dadkii ku noolaa xeryahaa isaga baxaan iyaga oo u wareegay xeryaha kale ee dadka soo barakacay ku nool yihiin.
Sida ay tilmaamayaan warar Xog-ogaal ah oo soo baxaya Hay'adda Samafalka ee ka howl-gala Magaalada Beledweyne islamarkaana wadda shaqeynta la leh qaar ka mid ah NGO's ayaa bilaabay in Deeqaha ay gaarsiinayaan dadka soo barakacay u sii mariyaan NGO-yada wada shaqeyntu kala dhaxeyso iyada oo aan la eegin kuwa markaa gacanta ku haya hadba xerada ay doonayaan in ay gaarsiiyaan Deeqda.
Qoysaska dadka soo barkacay ee ku nool Xeryaha muranku ka taagan yahay ayaa qaar kood u sheegay HOL in ay dhibaato xoog leh ku qabaan khilaafka u dhaxeeya Hay'addaha Samafalka iyo NGO-yada Magaalada, Iyaga oo intaa ku daray in hadda aysan xiiso badan u qabin rasaas laga kor rido maadaama waxa markii horeba guryahooda ka soo kaxeeyay ay aheyd uun Maqalka Rasaasta.
Khilaafkan ayaa xitaa waxaa uu sababay in hadda ay joogsadaan Deeqihii la gaarsiin lahaa Dadka soo Bar-kacay ee ku nool Xeryaha Magaalada Beledweyne sida uu HOL u sheegay mid ka mid ah Mas'uuliyiinta Hay'adda Samafalka ee ka howl-gala Gudaha Gobalka Hiiraan.
Mas'uulku waxaa uu intaa ku daray in dhibaatada ugu adag ee taagan ay tahay in Qoysaska soo barkacay deegaano ka sameysteen Goobo dad gaari ahi lee yihiin waana tan keentay ayuu yiri in ay soo baxaan shaqsiyaad is hortaaga Deeqaha la bixinayo.
Dhawaan ayeey aheyd markii Xeradda Lagu magacaabo Al-Aamin ay soo weereen kooxo hubeysan oo dhamaanba bur buriyay hoygii ay halkaa ka sameyteen Qoysaska soo barkacay waana arin marka aad eegto khilaafka taagan taaso ah marka dhan laga eego mid aan wax dan ah ugu jirin dadka dhibaateysan eee ka soo barakacay Dagaalada Muqdisho.
Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa Ilaa hadda wax jawaab ah ka ka bixin arimaha ku soo kordhay dadka soo barkacay, waxaana muuqneysa hadii ay arimuhu sidan ku sii socdaan in gabi ahaan la joojiyo deeqihii dadka gaari lahaa taasoo ah arin dib ugu laabeysa Maamulka hadda jira.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Dadka soo barakacay ee ku jira Xeryaha Qaxootiga Magaalada Beledwene oo ay saameeyeen khilaafaadyo u dhaxeeya qaar ka mid ah NGO-yada ka howlgala magaaladaas
More News
- Wafdi ka socda Midowga Afrika oo maanta Muqdisho booqday
- Madaafiic maanta lagu duqeeyay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho
- Inta badan Xubnaha Xukuumadda cusub ee Soomaaliya oo la ogaaday in ay wataan Baasaboorro Ajnabi ah
- Agaasimaha Idaacadda Qur’aanka Kariimka oo la sii daayay kadib muddo 53 maalmood ah oo uu xirnaa Dowladda Federaalka Soomaaliya
- Shir lagu soo dhaweynayay ballanqaadyo waxqabad oo uu soo qadimay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo Muqdisho lagu qabtay