Arbaco, January 23, 2008(HOL): Madaafiic hoobiyayaal ah ayaa maanta duhurtii waxaa lagu weeraray Xarunta Villa Somalia oo haatan fariisin u ah Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).
Ilaa Afar Madfac oo lagu tuuray Xarunta Villa Somalia ayaa waxay ku kala dhaceen gudaha iyo hareeraha xaruntaas, gaar ahaan Albaabka hore ee Villa Somalia, Taliska Booliska iyo Safaaradda Itoobiya oo ku taala meel aan u dheereyn Xarunta Villa Somalia, iyadoo dhawaqa madaafiicdaasna laga maqlayay inta badan Degmooyinka Magaalada Muqdisho.
Markii ay Madaafiicda ku dhacayeen Xarunta Villa Somalia ayaa waxaa gudaha xaruntaas shir ku lahaa Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Wafdi ka socday Midowga Afrika oo uu horkacayay Said Djinit oo ka tirsan Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada Midowga Afrika, iyadoo Hoobiyayaashaasna ay dad badan ku fasireen in ay ahaayeen kuwo farriin loogu dirayay Wafdiga Xaqiiqo raadinta ah ee ka socday Midowga Afrika.
Labo maalmood ka hor ayay ahayd markii sidoo kale Madaafiic lagu weeraray Xarunta Villa Somalia saacado kadib markii uu Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde booqasho ku tegay Magaalada Muqdisho.
Dhanka kalena, Madaafiic kale oo maanta lagu weeraray Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay ku dhaceen hareeraha garoonka, iyadoo mid ka mid ah madaafiicdaasna ay ku dhaawacmeen seddex ruux oo uu ugu darnaa canug yar oo la sheegay in uu dhaawac ka soo gaaray madaxa, waxayna dadkaasi ku sugnaayeen Xaafadda Kalluunka ee u dhow Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Madaafiicdan Hoobiyayaasha ah ee maanta lagu weeraray Xarunta Villa Somalia ayaaney jirin wax jawaab ah oo ay ka bixiyeen Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka ee ilaalada ka haya Xarunta Villa Somalia.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia