Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo ka soo muuqday TV-ga Universal kadib markii la dhigay Isbitaal ku yaala Magaalada London

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo fadhiya Xarunta TV-ga Universal ee London
Axad, January 20, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa tan iyo markii dhawaan uu galay Isbitaalka Cromwell ee ku yaala Magaalada London ee dalka Ingiriiska waxaa uu ka soo muuqday TV-ga Afka Soomaaliga ku hadla ee Universal TV.

Madaxweynaha oo intii uusan wareysiga bixin ku soo wareegay meelo loo dalxiis tago oo magaalada London ku yaala sida TV-ga sheegay ayaa muuqaalka Madaxweynah ee TVga ka soo muuqday wuxuu ahaa mid wanaagsan oo aan laga dareemeynin in uu xanuunsanayo.

Madaxweynaha oo qudhiisa ka waramay caafimaddkiisa ayaa sheegay in markii London la geynayay uu xanuunsanayay balse uu haatan wanaagsan yahay caafimaadkiisa, isla markaana wejigiisa iyo dhafoorkiisa laga garan karo waa sida uu madaxweynaha hadalka u yiriye.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo wareysi gaar ah siiyay TV-ga Universal waxaa uu intaas ku daray in hadda ka hor Beerka laga bedelay, sidaas darteedna mar kasta oo uu xanuun caadi ah qabto ay Dadku caado ka dhigteen in ay yiraahdaan Beerka ayaa laga hayaa oo waa eber, wuxuuna caddeeyay in caafimaadka beerkiisa uu wanaagsan yahay, isla markaana uu la mid yahay Beerkiisii hore intii uusan xanuunsanin.

Intaas kadib madaxweynaha waxaa uu ka hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen Xukuumadda  tirada yar ee loo soo dhisay Soomaaliya, wuxuuna sheegay in markii horeba uu isagu ku talin jiray in Xukuumad yar Soomaaliya loo dhiso balse taasi laga diidi jiray, hayeeshee aakhirkii lagu guuleystay in Xukuumad yar la soo dhiso, taasi oo ay Xubnaheeda ka imaanayaan Gudaha iyo Dibadda Baarlamaanka.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxa uu sheegay in waqtiga yar ee u harsan Dowladdiisa ay ku qabaneyso howlo badan oo u yaala oo ay ka mid yihiin in dalka la gaarsiiyo doorashooyin, isla markaana la diyaariyo Dastuurkii Federaalka iyo weliba in Dadka Afti laga qaado, wuxuuna hoosta ka xariiqay in markaas kadib la qaban doono doorashooyin xor ah.

Ugu dambeyntiina, Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa uu sheegay in uu Dhaqaatiirtiisa waxyaabo ka dhameysanayo kadibna uu dib ugu noqonayo dalka Soomaaliya oo uu sheegay in ay howl badan u taalo.

Halkan ka daawo-         Copy Right Universal TV

Halkan ka dhegeyso-   Copy Right Universal TV

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia