Axad, January 20, 2008(HOL): 200 oo Askari oo ka tirsan Ciidamo ay Dowladda Burundi ugu talagalay in ay ka mid ah Ciidamada Amisom ee howlgallada u jooga Dalka Soomaaliya ayaa maanta waxay ka soo degeen garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamadan ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde geysay diyaarad khaas ah, iyagoo kadibna loo galbinayay dhinaca Xarunta Dugsigii Tababarka Xalane oo ah Xarunta Dhexe ee Ciidamada Amisom.
Dowladda Burundi ayaa waxaa horay uga joogay Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho Ciidamo gaaraya 192 Askari, kaasi oo dabayaaqadii sanadkii hore Muqdisho gaaray, iyadoo ay xusid mudan tahay in Burundi ay horay u ballanqaaday inay Soomaaliya geyneyso Ciidamo gaaraya 1,700 Askari.
Dowladda Burundi ayaa noqotay Dowladdii labaad oo Ciidamo Nabad ilaaliyayaal ah oo ka socda Midowga Afrika u dirta Soomaaliya, iyadoo Dowladda Uganda ay ahayd Dowladdii ugu horeysay ee Ciidamadeeda geysay Soomaaliya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dowlado kale oo Afrikaan ah oo laga sugayay in ay Ciidamo u diraan Soomaaliya ayaa ilaa iyo haatan waxay sheegayaan in ay sugayaan dhaqaalihii ay Ciidamadooda ku geyn lahaayeen Soomaaliya, waxaana dowladahaas ka mid ah Ghana, Malawi iyo Nigeri.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia