Ciidamada Ammaanka Garbahaarey oo gacanta ku soo dhigay Ninkii dhaawacay Guddoomiyaha Degmadaas

Axad, January 20, 2008(HOL):  Ciidamada Ammaanka Degmada Garba-haarey ee Gobolka Gedo ayaa gacanta ku soo dhigay Nin gacan ku dhiigle ah oo shalay dhaawac culus gaarsiiyay Guddoomiyaha Degmadaas Maxamed C/llaahi Xaashi Ciiro, kaasi oo haatan lagu daweynayo Isbitaal ku yaala Degmada Luuq.

Oday Dhaqameedyo ay gacan ku dhiiglaha isku heyb yihiin iyo Ciidamada Ammaanka Degmada Garba-haarey oo iskaashanayay ayaa waxay ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaan gacan ku dhiiglaha oo ku dhuumaaleysanayay guri ku yaala bartamaha Degmadaas.

Gaarane Nuur oo ka mid ah Odayaasha Degmada Garbahaarey ayaa sheegay in gacan ku dhiiglaha la hayo, isla markaana arrintiisa la iska warsan doono, wuxuuna intaas ku daray in xaaladda caafimaad ee Guddoomiyaha Degmada ay tahay mid aan wax weyn iska bedelin, isagoo carrabka ku dhuftay in Dhaqaatiirta joogta Degmada Luuq ay wax ka qaban waayeen oo markaasina loo qaadi doono dhinaca Magaalada Nairobi.

Sidoo kalena waxaa dhaawaca Guddoomiyaha Degmada Garbahaarey ka waramay C/llaahi Shiikh Cilmi Jaamac oo ah Afhayeenka Golaha Odayaasha Degmada Garba-haarey, wuxuuna sheegay in Dr. Korea oo ah Dhaqtarka daweynaya Guddoomiyaha Degmada Garba-haarey uu sheegay in uu Guddoomiyaha u baahan yahay Qalliin dheeraad ah , wuxuuna caddeeyay in uu isagu ka soo saaray Dhiig ku hooray, sidoo kalena uu xiray Xidid dhiig sii deynayay hayeeshee uusan gaari karin xabadihii lagu dhuftay oo heysta seed gadaale oo dhabarka xiga.

C/llaahi Shiikh Cilmi waxaa uu intaas ku daray in uu Dhaqtarka u sheegay in uusan heysan Raajo iyo Computer uu ku arki karo halka ay Xabadda ku jirto, sidaas darteedna wuxuu ku baaqay in loo qaado haddiiba la helo Isbitaallo kale, “Dr. Korea oo Kenya u dhashay waxaa uu sheegay in dhaawaca guddoomiyaha uu u baahan yahay in loo qaado Isbitaallo kale, sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in aad si deg deg ah ugu qaadno Isbitaal kale”ayuu yiri C/llaahi Shiikh Cilmi.

Guddoomiyaha  Degmada Garba-haarey waxaa maalintii shalay ahayd dhaawac culus u geystay nin dhalinyaro oo ku hubeysnaa Qori AK47 ah, kaasi oo ay Guddoomiyaha ku murmeen arrimo ku saabsan is-bedel lagu sameeyay hoggaanka Isboortiga Degmada Garba-haarey.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia