Axad, January 20, 2008(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa shaaca ka qaaday in uu rumeysan yahay in la dilay Afhayeenkii dhaqanka Golahaas Axmed Diiriye Cali iyo Shiikh Axmed Cali Gees oo isna ka mid ah Golahaas.
Cilmi Faragaab oo ka mid ah Guddoomiye ku xigeennada Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa sheegay in aysan aaminsaneyn in ay raggaas nool yihiin, wuxuuna sheegay in markii ugu horeysay ee la xiray loo diiday in ay ehelladooda soo booqdaan.
Mas’uulkan u hadlay Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye waxaa uu gaashaanka ku dhuftay hadal uu dhawaan Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ka sheegay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), kaasi oo ahaa in Axmed Diiriye iyo Shiikh Axmed Cali Gees ay nool yihiin, isla markaana aysan wax dhibaato ah qabin marka laga reebin in aysan xoriyad heysan.
Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa horay u sheegay in ay heleen warar ku saabsan in Axmed Diiriye iyo Shiikh Axmed Cali Gees lagu dilay Dalka Itoobiya, iyadoo hadalkaasina uu si weyn u wel wel geliyay Eheladda Odayaashaas, gaar ahaan Hooyada dhashay Shiikh Axmed Cali Gees oo lagu magacaabo Xirsiyo Maxamed Jaamac, taasi oo markii uu warkaas soo gaaray qalabka warbaahinta codsi uga jeedisay Madaxda sare ee Dowladda Federaalka oo ay ka codsatay in Raggaas nolol iyo geeri mid loogu sheego.
Dhanka kalena, Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaanahan waxay qab-qabasho ku hayeen Xubno kale oo ka tirsan Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, kuwaasi oo ay ka mid yihiin C/llaahi Dheere, Xasan Raage iyo Jimcaale Maxamuud Nuur, kuwaasi oo haatan ku xiran Xabsi ay maamusho Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia