Axad, January 20, 2008(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa sheegay in markii ay howsha Gobolka Banaadir la wareegayeen ay magaalada Muqdisho ahayd mid bahalo galeen ah oo duur la mid ah.
Maxamed Dheere oo ka hadlayay Xaflad lagu soo bandhigayay waxqabadka Maamulka Gobolka Banaadir ee mudadii 7-da Bilood ahayd ee laga soo gudbay ayaa wuxuu sheegay in Magaalada Muqdisho ay haatan u eg-tahay meel ay dad ku nool yihin halka uu sheegay in markii ay howsha la wareegayeen uu Faras Magaaladaha Muqdiso Libaax dad ku dilay, sidoo kalena uu Waraabe Xoolo ku dilay.
“Annaga Magaalo nagulama wareejin ee Duur Bahalo-galeen ah oo ay Libaax iyo Waraabe Xoolo iyo Dad ku dileen ayaan la wareegnay” ayuu yiri Maxamed Dheere.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa uu sheegay in ay wax badan qabteen intii ay maamulka hayeen, wuxuuna ka carabaabay waxyaabaha ay qabteen in ay dib u dhis ku sameeyaan Waddooyin iyo Dhismooyin ay leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo weliba Taallooyin Taariikhi ah oo ku yaala Muqdisho, sidoo kalena wuxuu xusay in ay Magaalada Muqdisho ka qaadeen qashin tankiisu dhan yahay 7 Milyan oo Tan, kaasi oo laga qaaday xaafado dhowr ah oo ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Maxamed Dheere waxaa uu intaas ku daray in Maamulka Gobolka Banaadir uu sidoo kale wax ka qabtay arrimaha Ammaanka Gobolka, wuxuuna sheegay in inta badan ammaanka Degmooyinka uu sugan yahay, inta harsanna la dhameystiri doono.
Intii ay socotay Xafladdii lagu soo bandhigayay waxqabadka Maamulka Gobolka Banaadir 7-dii Bilood ee aan ka soo gudubnay waxaa lagu wareejiyay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-Dheere Dukumiinti ku saabsan waxqabadka maamulka gobolka, iyadoo la codsaday Xildhibaan Gacma-dheere inuu Dukumiintigaas ku wareejiyo Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina, Maxamed Dheere mar uu ka hadlayay cidda ku gacan siisay howsha ay qabteen waxaa uu sheegay in aysan jirin cid ku gacan siisay, wuxuuna caddeeyay in ay si iskaa wax u qabso ah ay u wadeen howsha maamulka Gobolka Banaadir, “Dadka haddii ay iskaashadaan wax wey qabsan karaan iyagoo aan helin kaalmo dibadeed, sidaas ayaan aaminsannahay, waana u jeedaan howsha aan qabanay iyadoo aaney jirin cid na kaalmeysay”ayuu yiri Maxamed Dheere.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia