Talaado, January 15, 2008(HOL): Labo Ruux ayaa geeriyootay Afar Ruux oo kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii gaari ay saarnaayeen ay Miino kula kacday Isgoyska Afarta Jardiino ee Magaalada Muqdisho.
Goob-jooge ku sugan goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa u sheegay HOL in qaraxa uu ka dhashay Miinada dhulka lagu aaso oo uu gaariga ku istaagay, wuxuuna qofkani oo magaciisa qariyay uu intaas ku sii daray in goobta uu qaraxa ka dhacay meel aan u dheereyn ay u sugnaayeen Ciidamo Boolis ah oo uu u maleeyay in qaraxa loola dan lahaa.
Gaariga BL-ka ah ee uu qaraxa qabsaday ayaa wuxuu ka shaqeynayay inta u dhaxeysa Isgoysyada Fagax iyo Hotelkii Jubba ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna siday Dad Rakaab ah markii uu qaraxa haleelayay.
Ma ahan gaarigii ugu horeeyay oo Dad rayid ah waday oo ay Miino la qaraxdo, waxayna ahayd dabayaaqadii sanadkii hore markii gaari Mini Bus ah oo mararyay agagaarka Isgoyska Fagax, isla markaana ku sii jeeday Suuqa Xoolaha ay Miino ku qaraxday, iyadoo halkaasina ay ku dhinteen Dad 10 ruux ku dhow, halka ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen Dad kale oo intaas ka badan.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa ku soo badanaya Miinooyinka Waddooyinka lagu aaso ee meelaha fog laga hago, iyadoo qaraxyadaasina ay yihiin kuwo inta badan lagu weeraro mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia