Talaado, January 15, 2008(HOL): Xukuumadda Somaliland, ayaa go’aamisay inay maalinta Khamiista ee soo socota dalka laga sameeyo Mudaharaad loo dhan yahay, oo Caalamka loogu ban dhigayo Qaddiyadda Somaliland.
Shirka toddobaadlaha ah ee ay isugu yimaadaan Golaha Wasiirada Somaliland, oo ay shalay oo isniin ah isugu yimaadeen Wasiiradu, isla markaana uu guddominayay ku-simaha Madaxweynaha Somaliland, ahna M/weyne-ku-xigeenka, ayaa lagu go’aamiyay arrintaas.
Warsaxaafadeed arrintaa ku saabsan oo laga soo saaray Madaxtooyada, ayaa waxa uu u dhignaa sidan;
“Shirkii Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ee Maanta (shalay) oo Isniin ah oo uu gudoominayay Ku simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin , waxa ay soo saareen go’aan ku saabsan in Maalinta Khamiista , bishuna tahay 17/01/2008 in ay noqoto maalin gobollada iyo degmooyinka Somaliland oo dhan lagu qabto Banaanbax lagu taageerayo gooni isu taaga iyo Qaranimada Somaliland.
Shirka waxa lagu go’aamiyay in Maalinta Khamiista ee Banaan buxu dhici doono la fasaxo dhamaan Shaqaalaha Dawlada, iyada oo Banaanbaxaasi caasimada Hargeysa ka dhici doona lagu qaban doono sidii caadadu ahayd Beerta Xorriyada.”
Dhinaca kale, Warsaxaafadeed kale oo uu saaray Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynuhu, wuxuu amar ku bixiyay in Dhul gaar ah loo qoondeeyo Xabaalaha Magaalada Hargeysa. Halkaas oo uu sheegay in markii uu arkay, helayna Warbixino ku saabsan in Xabaalihii ama Qubuurihii hore ay dadku ugu aasnaayeen dad dul dageen, oo Xashiishka lagu qubo uu amarkan soo rogay. Isla markaana wuxuu warsaxaafadeedkaa ku sheegay inaan la degi karin, la isticmaali karin, Xashiishna lagu qubi karin goobaha xabaalaha ah ama qubuuraha ee ay dadku ku aasan yihiin.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland