Banaanbax looga soo horjeeday kala goynta Soomaaliya oo ka dhacay Dalka Mareykanka

Talaado, January 15, 2008(HOL): Magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa waxaa ka dhacay bannaanbax looga soo horjeedo kala goynta Soomaaliya, iyadoo banaanbaxaasina ay ka qeybgaleen dad Soomaaliyeed oo isaga yimid Gobollo dhowr ah oo ku yaala Waqooyiga Ameerika.

Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo ka mid ahaa dadkii ka qeybgalay banaanbaxaas ayaa laanta Afka Soomaaliga ee BBCda waxaa uu uga waramay waxa looga gol lahaa Banaanbaxaas, wuxuuna sheegay in uu bannaanbaxaas ahaa mid looga soo horjeedo in la kala goo-gooyo Soomaaliya, isagoo caddeeyay in bannaanbaxaas ay isugu yimaadeen dad ka kala yimid Gobollada Minnesota, Ohio iyo weliba Magaalooyin ka tirsan Dalka Canada.

Maxamed Cabdi Xaashi waxaa uu sheegay in ay qoraal bannaanbaxooda ku saabsan  u gudbiyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka iyo weliba Xildhibaan Norm Coleman oo laga soo doorto Gobolka Minnesota, wuxuuna rajeeyay in codsigooda ay tixgelin doonto Dowladda Mareykanka.

Banaanbaxan looga soo horjeeday in la kala goo-gooyo dalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo uu dalka mareykanka ku sugan madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin, kaasi oo dhawaanahanba dadaal ugu jiray sidii Beesha Caalamka ay u aqoonsan lahayd gooni isu-taagga Somaliland.

Dhanka kalena, Maamulka Somaliland ayaa wuxuu ku baaqay in maalinta Khamiista ah ee soo socota uu ka dhaco magaalooyinka Somaliland banaanbax lagu taageerayo gooni-isu-taagga Somaliland, iyadoo go’aankaasina uu ka soo baxay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada Somaliland.

Guddi uu guddoomiye u yahay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa waxaa loo xil-saaray qaban-qaabada banaanbaxyadan, iyadoo ay guddigan xubno ku leeyihiin Seddexda Xisbi ee ka jira Somaliland.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia