Talaado, January 15, 2008(HOL): Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa muddo todobaad ah waxaa ku xayiran dad ka cararay dhibaatada Muqdisho oo ku sii jeeday magaalada Hargeysa ee xarunta u ah Maamulka Somaliland.
Dadkani oo isugu jira Caruur, Haween, Dad Waayeello ah iyo weliba kuwo xanuunsan ayaa waxay ku xayiran yihiin Busteejada laga raaco gaadiidka isaga kala goosha Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hargeysa, iyagoo weliba la soo sheegayo in ay sahaydii gabaabsi ka sii tahay.
Darawallada kaxeeya Gaadiidka ay Dadkaas saarnaayeen ee ku xayiran Gaalkacyo ayaa waxay sheegeen in aysan suurtagal ahayn in ay socdaalkooda sii wataan, iyagoo taasina sabab uga dhigay in xiisad colaadeed ay ka jirto Gobolka Sool, sidaas darteedna aysan naftooda ku aamini karin.
Shiikh Xasan Cali Yare oo dadkaas ka mid ah ayaa sheegay in ay dhibaato ku heyso magaalada Gaalkacyo, wuxuuna caddeeyay in ay wadaan dad isugu jira Caruur, Dad Waayeello ah iyo kuwo xanuunsanaya oo ay kala soo carareen dagaallada ka socda Magaalada Muqdisho.
Maamullada Somaliland iyo Puntland ayuu Shiikh Xasan ugu baaqay in ay dagaalka joojiyaan oo ay u naxariistaan dadka safarka ah, isla markaana ay wadada u furaan.
Dadkani musaafirka ah ayaa waxaa sida muuqata saameyn ku yeeshay xisadda colaad ee gobolka Sool ugu dhaxeysa Maamullada Somaliland iyo Puntland, kuwaasi oo uu dhawaan deegaanka Dhabansaar ee Gobolka Sool uu ku dhexmaray dagaal ay dhimasho iyo dhaawac sababay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia