Mas’uul ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo xalay lagu dhaawacay Degmada Xamar Ja-jab

Talaado, January 15, 2008(HOL): Mas’uul ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa lagu dhaawacay Degmada Xamar Ja-Jab xili uu mas’uulkaas ku sii jeeday gurigiisa oo Degmadaas ku yaala.

Guddoomiyaha Degmada Xamar Ja-jab Axmed Shiikh Maxamuud Qoor-Leex ayaa xaqiijiyay in kooxo hubeysan ay xalay dhaawaceen Yuusuf Maxamuud Wehliye oo ka mid ah Agaasime ku xigeennada Maamulka Gobolka Banaadir.

Axmed Qoor-leex waxaa uu intaas ku daray in markii la dhaawacay Mas’uulkan isla markiiba dhaawaciisa loola cararay mid ka mid ah Isbitaallada Muqdisho, iyadoo dhaawaciisa la sheegay in uu yahay mid fudud.

Dhaawaca loo geystay mas’uulkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmo sii horeysay ay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ay howlgallo nabad-sugid ah ka sameeyeen Degmooyinka Xamar-weyne, Xamar Ja-jab iyo Shangaani, iyadoo howlgalkaasina ay ciidamada ku soo qabteen Hub iyo Maandooriyayaal kala duwan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxay horay loogu dilay ilaa 8 Guddoomiye Degmo oo madax looga dhigay Degmooyinka Huriwaa, Yaaqshiid, Howl-Wadaag iyo Shibis, iyadoo sidoo kalena la dilay guddoomiye ku xigeenno Degmo iyo Guddoomiye Waaxeedyo ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, magaalada Muqdisho ayaa tan iyo markii ay soo degtay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Ciidamo Itoobiyaan ah waxaa ka dhacayay dilal loo geysnayo mas’uuliyiinta Dowladda iyo cid kasta oo gacan-saar la yeelata Dowladda, iyadoo sidoo kalena ay ka dhacaan qaraxyo iyo dagaallo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia