Arbaco, February 06, 2008(HOL): Safaaradda ay Dowladda Finland ku leedahay Magaalada Nairobi ayaa waxay soo saartay hadal saxaafadeed welwel xambaarsan kadib markii loo soo diray email loogu hanjabayay oo loogu sheegayay in la weerari doono.
Safiirka Safaaradda Finland ee magaalada Nairobi Haweeneyda lagu magacaabo Heli Sirve ayaa sheegtay in qofka emailka u soo diray uu isticmaalayay magac Soomaali ah uu seddex email oo hanjabaad u soo diray.
“E-mailka lagu soo diray Sanduuqa Fariimaha ee emailka Safaaradda laguma sheegin xiliga uu weerarka dhacayo, wuxuuna soo diraha emailka uu isticmaalayay magac Soomaali ah”ayay tiri Heli Sirve oo sida ka muuqata ka naxday farriimahaas loo soo diray.
Heli Sirve waxay intaas ku dartay in hanjabaadda loo soo diray ay qatarteeda leedahay, hayeeshee aysan u qorsheysneyn in ay Saafadda xiraan, isla markaana la baaray xafiisyada Safaaradda, ilaalo dheeraad ahna la dhigay Safaaradda iyo nawaaxigeeda.
“Waxaan la xiriirnay Safaaradaha Britain, Mareykanka iyo kuwa Scandinavian-ka mana jirin wax hanjabaad ah oo gaaray”ayay tiri Heli Sirve oo sheegtay in ay xiriir la sameysay Ciidamada la dagaalanka Argagixisada ee Kenya, kuwaasi oo haatan baaris ku haya emailka loo soo diray.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Farriimo Hanjabaad ah gaaraan Safaaradaha ay Reer Galbeedka ku leeyihiin Dalka Kenya, gaar ahaan caasimaddiisa Nairobi, mar sii horeysay ayayna ahayd markii sidan oo kale loogu hanjabay Safaaradaha ay Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ku leeyihiin dalka Kenya, iyadoo markaasi kadibna ay Dowladahaas uga digeen muwaadiniintooda in ay u socdaalaan dalalka Gobolka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia