Guddoomiyihii Maxkamadda Degmada Beledweyne oo xalay toogasho lagu dilay

Arbaco, 6, Feb, 2008 (HOL)  Gudoomiyihii Maxkamadda Degmadda Beledweyne Shiikh Ibaarhim Goonle Max'ed ayaa habeenimadii Xalay waxaa Toogasho ku dilay Labo NIn oo ku hubeysnaa Batoolado xili Gudoomiyuhu uu ku sii jeeday hoygiisa Xaafadda Howl-wadaag ee Magaaladda Beledweyne.
 
Gudoomiyaha oo wax yar uu ka hor inta aan la dilin ka soo baxay Masjid uu ku tugaday Saladda Maqrib ayaa wararka lagu qaaday sidoo kale waxaa ku dhaawacmay Nin dhalin-yaro ah oo sida la sheegay ilaalo u ahaa Gudoomiyaha kaa oo dhawaciisa la dhigay Isbitaalka Guud ee Magaaladda Beledweyne.
 
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed)  oo ka hadlay Dilka Gudoomiyaha Maxkamadda Degmadda Beledweyne ayaa sheegay in falkaasi yahay mid laga arga-gaxo isaga oo intaa ku daray in ay fuliyaan kooxo Burcad ah oo sida uu hadalka u dhigay Manaxayaal ah, waxaana uu intaa ku daray in uu jiro baritaan Ciidamaddu ku sameynayaan Kooxihii ka danbeeyay Dilka Gudoomiyaha Maxkamadda.
 
Weerarka habeenimadii xalay lagu dilay Shiikh Ibraahim Goonle Max'ed ayaa Noqonaya kii Sadaxaad oo muddo laba Todobaad ah lagu dilay Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobalka iyo Saraakiisha Ciidamadda,  Maalmo ka hor ayeey aheyd markii  Kooxo hubeysan ku toogteen Xaafadda Howl-wadaag Taliyihii Ciidamadda Nabad-sugidda Degmadda Beledweyne Col. Cabdi Qaasim Ibraahim, Sidoo kale isla Todobaadkii aynu soo dhaafnay ayaa Nin ku hubeysan Batoolad waxaa uu bartamaha Magaaladda ku toogtay Taliyihii Ciidamadda Nabad-sugidda Gobalka Hiiraan Col. Max'ed Cali Gaabow.
 
Shiikh Ibraahim Goonle Max'ed ayaa Xilka Gudoomiyaha Maxkamadda Degmadda Beledweyne waxaa uu la wareegay kadib markii Magaaladda Muqdisho lagu dilay Gudoomiyihii Maxkamadda Degmadda Shiikh Max'ed Muuse Ducaale.
 
Armahan Dilalka ah ee lagu u gaarsanayo Mas'uuliyiinta ka tirsan Maamulka Gobalka iyo Saraakiisha Ciidamadda ayaa wal wal iyo cabsi badan ku abuuraya dadka ku dhaqan Magaaladda Beledweyne kuwaa oo hadda bilaabay in ay Xili hore ku sii xaroodaan Guryaha maadaama Amaanka Magaaladu aheyn mid laysku haleyn karo.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia