Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo sheegay in ay Ammaanka Muqdisho la sugi karo haddii ay Dadku go’aansadaan

Arbaco, February 06, 2008(HOL): Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Muuse Nuur Amiin ayaa markii ugu horeeyay waxaa uu ka hadlay qorshe ay Wasaaraddiisa dooneyso inay wax uga qabato Ammaanka Magaalada Muqdisho oo muddooyinkan ahaa mid aan wanaagsaneyn.

Wasiirka oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in ay doonayaan in ay sugidda ammaanka la kaashadaan qeybaha kala duwan ee shacabka, gaar ahaan Waxgaradka, Ganacsatada iyo Ururrada Bulshada Rayidka.

“Nabadgelyo waxaa la sugi karaa marka ay dadweynaha go’aansadaan, ciidamo kaliyana ammaan ma sugi karaan”ayuu yiri Muuse Nuur Amiin, Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo sheegay in ay wadada saxda ah u marayaan sugidda ammaanka Muqdisho.

Wasiirka mar wax laga weydiiyay sida uu u arkayo dhibaatooyin ay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ku hayaan dadka shacabka ah oo ay ka midka yihiin falalka dhaca ah ee ay geysanayaan ayaa wuxuu sheegay in ay ku dadaalayaan sidii ay Ciidamada Dowladda uga dhigi lahaayeen kuwo aaney shacabka ka cararin oo loo soo cararo, isagoo caddeeyay in ay howshaas hadda gacanta ku hayaan.

Sidoo kalena Wasiirka waxaa wax laga weydiiyay sida uu arkayo hadal uu dhawaan sii dayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Maxamed Dheere oo ahaa in dilalka ka dhaca magaalada Muqdisho ay ka dambeeyaan Odayaasha Beesha Hawiye, wuxuuna sheegay in uusan taasi aaminsaneyn, isla markaana haddii uu hadalkaas yiri Guddoomiyaha Gobolka  ay caro ka keentay bacdamaa la dilay Afhayeennadiisii iyo rag kale oo maamulkiisa ka tirsanaa.

Hadalka Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay muujineyso ja-jabnaan iyo in xal loo helo mushkiladda ka taagan Soomaaliya, gaar ahaan tan Magaalada Muqdisho, iyadoo taasina ay si weyn u soo dhaweeyeen dadka Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia