Arbaco, February 06, 2008(HOL): 20 Ruux ayaa geeriyootay, in ka badan 60 ruuxna dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii xalay dadkaasi lala beegsaday labo qarax oo is-xigay xili ay ku sugnaayeen meel u dhow Dekedda Boosaaso.
Dadkani dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxay ka soo jeedaan Qowmiyadda Oromada ee Dalka Itoobiya, waxayna isugu jireen kuwo fahmay sida loogu noolaado Magaalada Boosaaso oo mehrado ganacsi ka sameystay iyo kuwo doonayay in ay u sii tahriibaan Dalka Yemen.
Isbitaalka Magaalada Boosaaso ayaa waxaa la geeyay Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay intaba, waxaana lagu soo waramayaa in ay dadka dhaawaca ah qaarkood ay qabaan dhaawacyo culus, isla markaana ay jiraan Dad Lugaha iyo Gacmaha ka go’ay.
Dadka dhintay ayaa saaka la doonayaa in Xawaalo Wadareed lagu aaso, iyadoo Isbitaalka looga qaaday Gaari Waaraad ah, halka dadka dhaawaca qabana ay Dhaqaatiirta daweyn ku hayaan.
Wuxuu ahaa qaraxii ugu xoogganaa oo ka dhaca magaalada Boosaaso, isla markaana geysta khasaare intaas la eg, iyadoo dhibaatada xalay ka dhacday magaalada Boosaaso ay si weyn uga xumaadeen Dadka magaaladaas ku dhaqan.
Waxaa ka hadlay Qaraxan Ku simaha Madaxweynaha Puntland, ahna Madaxweyne ku xigeenka Xasan Daahir Af-Qurax oo sheegay in dhibaatada dhacday ay tahay mid ay ka dambeeyeen dad doonaya in ay nabadgelyo darro ka abuuraan Magaalada Boosaaso, wuxuuna sheegay in uu socdo baaritaan lagu ogaanayo Cidda ka dambeysay qaraxan, isagoo ka gaabsaday in uu cid ku eedeeyo.
Qaraxyadan dhimashada iyo dhaawaca ay ka soo gaartay Dad badan oo ka soo jeeda Dalka Itoobiya ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo uu shalay magaalada Addis Ababa u amba baxay Madaxweynaha Maamulka Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi oo markii uu Boosaaso ka dhoofayay sheegay in ay madaxda Itoobiya ka wada hadlayaan arrimo ay ka mid yihiin ammaanka iyo ganacsiga labada dhinac.
Madaxweynaha oo Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ay wax ka weydiisay cidda loo riixayo dhankeeda af-duubyo iyo falal nabadgelyo darro ah oo dhawaanahan ka dhacayay Magaalada Boosaaso waxaa uu sheegay in uusan shacabka iyo Odayaasha uusan ku eedeyneynin arrintaas, eeddana uu maamulkiisa leeyahay kaasi oo aan wax ka qaban nabadgelyo-darrada jirta.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia