Xaaladda Magaalada Muqdisho oo saaka degan kadib dagaal xooggan oo shalay gelinkii dambe iyo xalay fiidkii ka dhacay

Arbaco, February 06, 2008(HOL): Waxaa saaka degan xaaladda goobo ay shalay gelinkii dambe iyo xalay fiidkii ay dagaallo  culus ka dhaceen, kuwaasi oo ku yaala qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha inta hoos-tagta Degmada Yaaqshiid.
 
Dagaal aad u culus ayaa Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Itoobiya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda waxaa uu ku dhexmaray inta u dhaxeysa Isgoyska Towfiiq iyo Isbitaalkii Al-Carafaat ee Wadada Warshadaha, iyadoo halkaasina ay labada dhinac isugu adeegsaday madaafiic culus iyo rasaas yar yar.

Dagaalkaas oo socday muddo labo saacadood ka badan ayaa inta ilaa iyo haatan la xaqiijiyay waxaa uu dhaawac ka soo gaaray dad ku sugnaa xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid sida Xaafadaha Towfiiq  iyo Juungal, iyadoo la rumeysan yahay in uu khasaaraha dadka rayidka ah soo gaaraya ku yaraaday iyadoo meesha uu dagaalka ka dhacay ay mar hore ka barakaceen dadkii ku noolaa.

Xaaladda goobihii ay shalay dagaallada ka dhaceen ayaa saaka lagu soo waramayaa in ay deganaan ka jirto, inkastoo la sheegayo inay Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u tiro badan ay saaka gaareen halkii uu shalay dagaalka ka dhacay oo ay degan yihiin Dad faro ku tiris ah oo aan iyagu qaxin.

Dagaalka shalay ka dhacay Wadada Warshadaha ayaa wuxuu ahaa midkii labaad oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, wuxuuna dagaal waqti kooban socday oo midkan ka horeeyay uu ka dhacay Suuqa Xoolaha Dayax ee Degmada Huriwaa, halkaasi oo ay ku dagaalameen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxay noqotay magaalo ay inta badan dadkii ka barakaceen, isla markaana ay ku dagaalamaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo taasina ay i hoos u sii dhigtay rajo ay dad badan oo Soomaaliyeed ka qabeen in xal loo helo mushkiladda ka taagan Magaaalda Muqdisho.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia