Talaado, February 26, 2008(HOL): Qarax ay dad ku dhaawacmeen ayaa maanta wuxuu ka dhacay Deegaanka Xaawo Cabdi oo ku yaala inta u dhaxeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.
Qaraxan oo ka dhashay Miino duugowday oo la garaacay ayaa waxaa uu geystay dhaawac soo gaaray Ninkii Miinada garaacay iyo labo gabdhood oo uu dhalay, kuwaasi oo dhaawacooda loola cararay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.
Goob-jooge ku sugan Deegaanka Xaawo Cabdi ayaa sheegay in ninka Miinada garaacay uu doonayay in uu Maar kala baxo Miinada, isagoo aan la socon in waxa uu garaacayay ay Miino ahayd.
Qaraxa ka dhacay Deegaanka Xaawo Cabdi ayaa waxaa ka naxay dad badan oo halkaas ku nool, kuwaasi oo u badan Dad ka cararay Qaraxyada iyo Dagaallada Madaafiicda la isugu adeegsado ee ka dhaca Magaalada Muqdisho, inkastoo ay xaaladdooda caadi ku soo noqotay kadib markii ay ogaadeen in qaraxa uu ahaa mid u dhacay si aan ku talagal ahayn.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore, isla markaana uu hubka gacanta u galay Dad Shacab ah oo aan aqoon u lahayn ayaa waxaa soo kordhayay qaraxyo ka dhashay waxyaabo qarxa oo ay ku ciyaareen dad aan aqoonin ama garaacay sidii maanta dhacday oo kale.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia