Sarkaal ka tirsanaa maamulka Dowladda Hoose ee Degmada Wadajir oo is-casilay kadib markii uu naftiisa u baqay

Talaado, February 26, 2008(HOL): Sarkaal ka tirsanaa maamulka Dowladda hoose ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa saaka wuxuu ku dhawaaqay in uu iska casilay howshii uu ka hayay Degmada Wadajir.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Seddex Xarigle Cumar Cusmaan Hilowle ayaa sheegay in uu go’aankan is-casilaadda ah qaatay kadib markii ay soo gaareen hanjabaado ku saabsanaa in la dilayo haddii uusan ka bixin howsha uu ku jiro, wuxuuna xusay in horay loo dilay rag ay ka wada tirsanaayeen maamulka Dowladda Hoose ee Degmada Wadajir.

Sarkaalkan oo sidoo kale madax ka ahaa qeybta Nadaafadda Degmada Wadajir ayaa wuxuu sheegay in uu xilkaas isaga casilay sababo la xiriira dhinaca Ammaankiisa, isagoo xusay in uusan wax shaqo ah ka heynin maamulka Degmada Wadajir.

Is-casilaadda Sarkaalkan ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo shalay subaxnimadii lagu dilay degmada Wadajir Xoghayihii Dowladda Hoose ee Degmadaas oo lagu magacaabi jiray Aadan Xaashi, iyadoo ka sii horna gudaha Degmadaas lagu dilay Guddoomiyihii Waaxda Jen. Daa’uud ee Degmada Wadajir.

Ma ahan sarkaalkii ugu horeeyay oo iska casila xil uu ka hayay Dowladda Federaalka Soomaaliya sababo la xiriira dhinaca ammaankiisa, waxaana jiray mas’uuliyiin ka tirsanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo iyana is-casilay kadib markii ay u baqeen naftooda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia