Ciidamo Itoobiyaan ah oo saaka howlgallo ka sameeyay Xaafado ka tirsan Degmada Dayniile

Talaado, February 26, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo la sheegay in ay ka soo baxeen Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium ayaa saaka waxay howlgallo ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Ciidamadan Itoobiyaanka ah ayaa waxay howlgallo ka sameeyeen xaafadaha Barwaaqo iyo Ciise Cabdi ee Degmada Dayniile, iyadoo la sheegay in intii ay howlgallada sameynayeen in ay halkaas ka kaxeysteen dad yar oo isugu jiray kuwo aan qixin iyo kuwo reerahooda qaxeen balse hal iyo labo ay guryahooda ilaashanayeen.

Howlgalka ay Ciidamadan sameeyeen ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira ay howlgallo ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid, halkaasi oo ay sidoo kale dad dhowr ah ka kaxeysteen.

Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Muxyaddiin Xasan Jurus oo howlgalkaas ka hadlayna waxaa uu sheegay in xaadadaha  Degmada Yaaqshiid ee ay Ciidamada ka howlgaleen ay ahaayeen kuwo sida uu yiri ay ku dhuumaaleysanayeen kooxo nabadgelyo darro abuurayay.

Dhanka kalena, Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxay howlgallo ka sameeyeen xaafado ka tirsan Degmooyinka Boondheere iyo Wardhiigley, waxaana lagu soo waramayaa in ay Ciidamadaas dhowr qofood ka kaxeysteen Xaafadda 15 May ee Degmada Wardhiigley, inkastoo qaar ka mid ah dadkaas la soo daayay.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa mar kasta howlgallo ka sameeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee gacanta siiya, iyadoo weeraradaasina ay yihiin kuwo aan wax la taaban karo ku soo kordhin nabadgelyo xumida ka jirta Magaalada Muqdisho

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia