Talaado, February 26, 2008(HOL): Odayaasha iyo Waxgaradka ku dhaqan Deegaanka Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay dadaal ugu jiraan sidii xal loogu heli lahaa dagaal maalin ka hor ka dhacay Deegaankaas oo dhexmaray Maleeshiyo Beeleed Dad laga dilay iyo Ciidamo Ammaanka Deegaanka suga.
Maxamed Amiin C/llaahi Cusmaan oo ka mid ah Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, isla markaana deegaankaas ka soo jeeda ayaa sheegay in haatan lagu howlan yahay sidii xal loogu heli lahaa mushkiladda halkaas ka dhacday, isagoo rajo ka muujiyay in ugu dambeynta xal la gaari doono.
Maxamed Amiin waxaa uu intaas ku daray in dagaalka labada dhinac dhexmaray uu markiisii hore ka dhashay rag laga dilay Beel ka mid Beelaha Deegaanka, kuwaasi oo iyagoo meel ku shaahayay ay rasaas ku fureen Ciidamada Deegaanka kadib markii ragga la toogtay ay ka dhego adeygeen in ay demiyaan hees ay dhegeysanayeen.
“Arrintaas qalad ayay ku dhacday, hayeeshee hadda ayaa lagu howlan yahay in la xaliyo, waxaana rajeyneynaa in lagu guuleysan doono wada hadallada socda, isla markaana xal laga gaari doono dagaalkii dhacay”ayuu yiri Maxamed Amiin C/llaahi.
Dhanka kalena, Maxamed Amiin C/llaahi ayaa wuxuu ku gacan seyray amar uga yimid dhinaca Maxkamadaha Islaamka, kaasi oo ahaa in uu isaga baxo Gobolka Jubbada Hoose, wuxuuna sheegay in haddiiba uu ka baxayo deegaanadaas uu qiyaarkiisa uga baxayo, isla markaana uusan u hoggaansameynin amarka uga yimid dhinaca Maxkamadaha Islaamka.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Afhayeenka Maxkamadihii Islaamka Shiikh C/raxiin Cali Muudey oo u waramayay Idaacada Simba ee magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay Maxamed Amiin C/llaahi in uu isaga baxo Gobolka Jubbada Hoose, isagoo haddii uu ka bixi waayana ku goodiyay in ay maxkamad soo taagi doonaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia