Ciidamadii Itoobiya ee dhawaan fariisinka ka sameystay Degmada Dhuusa-mareeb oo halkaas isaga guuray

Talaado, February 26, 2008(HOL): Waxaa saaka isaga baxay Degmada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galgaduud Ciidamo Itoobiyaan ah oo muddo afar maalmood ah halkaas ku sugnaa.

Ciidamadan oo fariisin ka sameystay Xeradii 21aad ee Ciidamadii Mileteriga Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in ay u soo amba baxeen dhankii ay markii hore ka galeen Gobolka Galgaduud oo ah dhinaca Gobolka Hiiraan, iyadoo dad ku sugan Deegaanka Guriceel ay sheegeen in ay Ciidamadaas uga soo gudbeen dhinaca Gobolka Hiiraan.

Saraakiisha hoggaamineysay Ciidamadan ayaa intii ay ku sugnaayeen degmada Dhuusa-mareeb waxay kulamo la qaateen Odayaasha iyo Waxgaradka gobolka Galgaduud, kuwaasi oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan ammaanka gobolka.

Guddoomiyaha Degmada Guriceel Cali Shiikh ayaa sheegay in Saraakiishaas ay u sheegeen in ay ku raad-joogaan rag ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo ku sugan Gobolka Galgaduud, kuwaasi oo nabadgelyo darro abuuraya, wuxuuna xusay in ay markaasi kadib u sheegeen Saraakiishii Itoobiyaanka in Shabaab ay u yaqaanaan Dhalinyarada Dugsiyada, isla markaana aysan gobolka Galgaduud ku sugneyn dhalinyaro dhibaato abuureysa.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dadka ku dhaqan Gobolka Galgaduud, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Degmada Dhuusa-mareeb ayaa si weyn ugu farxeen ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Gobolka Galgaduud, iyadoo ay xusid mudan tahay in qaar ka mid ah Dadkii ku dhaqnaa Degmada Dhuusa-mareeb ay halkaas isaga carareen iyagoo ka baqay in la soo weeraro Ciidamo soo dul-degay, isla markaana ay sidaas dhibaato ku soo gaarto.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia