Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Malaysia ku nool oo Guddoomiye dooratay

Cabirka Farta


Arbaco, December 03, 2008(HOL): Waxaa habeenimiadii xalay ahayd ka dhacday Jaamcada Islaamka ee dalka Maleysia ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano IIUM xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay tasoo lagu dooranayay cidii hogaamin laheyd ururka ardada soomaaliyeed ee dalkaan Malaysia.

In ka badan ilaa iyo 800 boqol oo ruux ayaa soo xaadirtay xaflada waxaana ay xafladu timid xilli maalmihii la soo dhaafay oo dhami ay mushraxiinta xilka gudoomiyanimda aradada soomaaliyeed ee dalka maleysia oo kala ahaa  Maxamed Khadar  Cismaaciil Jimcaale C/fataax Cumar Gacal iyo Axmed Warsame Kolan ay ku jireen campains adag oo mid waliba uu cod kaga raadsanayay arada iyo dadka kale ee soomaaliyeed eek u nool dalkaan.

Intii aan loo guda galin codeynta ayaa uga horeyn waxa goobta ka hadlay C/raxmaan Muudeey oo ahaa gudoomiyihii hore ee waqtigiisu dhamaaday waxaana uu soo bandhigay  waxqabadkoodii mudada halka sano ah oo ay majraha u hayeen hogaanka ururka  tasoo runtii ay u riyaaqeen ka soo qeybgalayaashii xaflada .

Intaa ka dib ayaa waxaa micrafoonka la wareegay  Dr. Bashiir Cali Warsame oo ahaa madaxa guddiga doorashada , Bashiir waxa uu ugu horeyn ka codsaday qeybaha kala duwan ee ka soo qeybgalay doorashada in ay nadaamka ilaaliyaan intaa dabadeedna waxa  uu bashiir u yeeray musharaxiinta in ay mid mid usoo istagaan masraxa si ay u soo bandhigaan waxa ay qabanayan hadii ladoorto .

Ugu horeyn waxa halka soo istaagay C/fatax Cumar Gacal waxana u si lama filaan ah u sheegay in uu u tanasulay raga walaalihiis ah tasoo runtii uu ku helay sacab gilgilay goobta mudo ilaa 5 daqiiqadood ah . waxa ku soo xigsaday Axmed Warsame kolan oo soo bandhigay waxa uu u hayo dadka waxaa ugu dambeyn goobta soo istaagay inanka iminka guuleystay ee ah Maxamed Khadar Ismaaciil Jimcaale waxaana mar qura is badlay jawiga goobta maadama ay u muuqatay in musharaxii is casilay taageerayashiisa iyo kuwiisaba ay u midoobeen in ay sacab xadaarad leh ku soo dhaweeyaan .

Khadar waxa uu soo bandhigay multimedia ka tarjumayay wax qabadkiisii iyo waliba waxa uu iminka damcasan yahay in uu qabto , waxa uu codsaday in aan asaga loo codeyn balse loo codeeyo barnaamijkiisa uu wato oo ah danwadaag .

Waxa laguda galay codeyntii daqiiqadi ka dib waxa markale masraxa ka soo muuqday DR bashiir Cali Warsame madaxa doorashada tasoo keentay in jawiga uu marqura aamusnaan isku badalay maadama loga fadhiyo in uu ku dhawaqo natiijada . Bashiir waxa uu sheegay masha caawa ay soo xaadireen illaa iyo 809 qofood 439 ka mid ahina ay u codeeyeen Maxamed qadar Cismaaciil Jimcaale 15 cod ay haloowday halka inta soo hartana ay u codeeyeen mushraxa kale. waxa marqura isbdalay jawigii goobta waxa biloowday sacab aan kala go,o laheyn .

Maxamed qadar oo doorashada ka dib la hadlay dadka ayaa sheegay in uu dhageysan doono arday waliba isla markaan uu booqasho ku mari doono dhamaan jaamcadaha iyo collegyada ay aradada soomaaliyeed dhigtaan si buu yiri aanu u soo eegno xalada waxbarasho ee aradada waxaana uu ugu dambeyn sheegay in howsha ugu horeysa ee uu qaban doono ay tahay mideynta aradada soomaliyeed ee dalka maleysia .

Maxa,ed qadar waxa uu ku dhashay magalada muqdisho waxa uu waxbarashadisii heer hoose dhexe ilaa sare ku soo qaatay dugsiyada kala ah axmed guray iyo maxamuud xarbi  waxa uu degriigiisa ka soo qaatay jamacada saynis technology ee dalka yemen masterkana waxa uu ka qaatay jaamcada Malaya university Malaysia oo  ka mid ah 100 ka jaamacadood ee aduunka ugu waa weyn . tasoo iminkana uu ka bilaabay PHD .

Waxa xusid mudan wariye cismaan black oo ka mid ahaa shaqaalihii idacad horna afrik ee muqdisho iminkana ah ardey wax ka barta dalkaan uu xalay ahaa xidiga madadaalada goobta doorashada .

Isku soo wada duuboo doorashadii xalay oo ku soo gaba gaboowday jawi heersare ah ayaa waxa goobjoog ka ahaa aqoonyahano soomaaliyeed oo wax ku bartay dalkaan oo aanu ka xusi karno Dr. Maxamuud Shiiq Abdirahmaan (beene beene) Dr. Cabas, Biikole iyo kuwa kale oo farabadan .

Cabdirisaaq Maxamad
[email protected]
Kuala Lambur, Malaysia