Arbaco, December 03, 2008(HOL): Degamada Guri Ceel ee Gobolka Galgaduud ayaa shalay waxaa ka dhacay dagaal dhexmaray labo koox diimeed, kuwaasi oo kala ah Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna Waljamaaca.
Dagaalkan oo bilowday shalay casirkii, socdayna ilaa xalay maqribtii ayaa wuxuu geystay dhimashada 3 ruux iyo dhaawaca 5 ruux oo kale, kuwaasi oo u badnaa dhinacyadii dagaallamayay.
Lama oga rasmi ahaan waxyaabaha uu salka ku hayo dagaalkaas, waxaase jira warar sheegaya in uu ka dhashay muran dhexmaray rag labada koox diimeed ka tirsan, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay dadka deegaanka ka gaabsanayaan in ay si cad u sheegaan waxa uu dagaalkaas ka dhashay.
Guddoomiyaha Degmada Guri Ceel Cali Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in ay dagaalkaas dhexgaleen, isla markaana uu maamulkooda ciidamo kala dhex dhigay dhinacyadii dagaallamayay.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Degamda Guri Ceel-na waxay sheegayaan in xaaladda ay haatan degan tahay, isla markaana ay dib u bilowdeen dhaqdhaqaaqyadii dadka iyo ganacsiga ee Degmadaas.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia