Markabkii laga heystay Yemen oo la sii daayay

Cabirka Farta

Arbaco, December 03, 2008(HOL): Markab laga heystay Dowladda Yemen iyo 8 shaqaale ah oo saarnaa ayaa lagu guuleystay in la sii daayo kadib markii ay arrintaas dadaal u galeen Odayaal iyo Waxgarad ay isku heyb yihiin Burcadda heysata Markabkaas iyo Safiirka Yemen u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Axmed Xamiid Cumar.

Safiirka Yemen ee Soomaaliya Axmed Xamiid Cumar ayaa sheegay in Kooxo Burcad Badeed ah oo saarnaa Markabkaas ay ka degeen, uuna Markabka uu maanta u dhaqaaqi doono dhinaca Yemen.

“Hadda waxaan dhameyneynaa wax kasta oo uu u baahan yahay Markabka si uu ugu dhaqaaqo dhinaca”ayuuna yiri Axmed Xamiid Cumar oo intaas ku daray in aaney jirin wax madax furasho ah oo lagu bixiyay sii deynta Markabkaas.

Shaqaalaha saaran Markabkan ayaa waxay isugu jiraan 3 Yemen u dhalatay, 3 Soomaali ah  iyo labo Tanzanian ah, waxaana la xaqiijiyay in aan wax dhibaato ah loo geysan intii ay ku jireen gacanta Kooxihii Af-duubtay.

Markabkan oo lagu magacaabo Erina ayaa waxaa la af-duubtay isagoo ka soo tegay Dekedda ku taala Mukalla, kuna sii jeday Jaziiradda Socotra, wuxuuna wadaa qalab dhismo oo tankiisa uu dhan yahay 750 tan.

Sii deynta Markabkan ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo Xeebaha Soomaaliya lagu heysto labo markab oo waa weyn oo mid uu wado hub, halka midka kalena uu wado Saliid ceyriin oo uu Sacuudiga ka soo qaaday.

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso, Somalia