Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo sheegay in aysan Soomaalida kaligood waxba ka qaban karin Kooxaha Burcad Badeedka

Cabirka Farta

Arbaco, December 03, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa shaaca ka qaaday in aysan dadka Soomaaliyeed kaligood waxba ka qaban karin dhibaatada ay kooxaha Burcad Badeedka ah ka wadaan Xeebaha Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo u waramayay Wakaaladda Wararka AP waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay u baahan yahay dadaal dheeraad ah oo la gelayo sidii loola dagaallami lahaa kooxaha Burcad Badeedka ah ee ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya.

Waxaa uu intaas ku daray Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde in dhibaatada Kooxaha Burcad Badeedka ee Soomaaliya ay qeyb ka tahay dhaxalka nidaam iyo kala dambeyn la’aaneed ee uu dalka Soomaaliya mudada dheer ku soo jiray.

Intaas kadib Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde waxa uu beesha Caalamka ka codsaday in ay Soomaaliya ku garab galaan Ciidamo Caalami ah oo soo celiya sharcigii iyo kala dambeyntii, kuwaasi oo bedeli doona Ciidamada Itoobiya oo la qorsheynayo in ay dhawaan ka baxaan Soomaaliya.

Hadalka Ra’iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa wuxuu ku soo begemayaa iyadoo Kooxo Burcad Badeed ah oo aad u hubeysan ay maraakiib badan ku heystaan Xeebaha Soomaaliya, kuwaasi oo ay ku jiraan kuwo hub iyo Shidaal wada.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia