Uganda oo sheegtay in ay Ciidamadeeda sii joogi doonaan Soomaaliya xitaa haddii ay Ciidamada Itoobiya baxaan

Cabirka Farta

Arbaco, December 03, 2008(HOL): Dowladda Uganda ayaa shaaca ka qaaday in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan Soomaaliya xitaa haddii ay Ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Mileteriga Uganda oo lagu magacaabo Major  Paddy Ankunda ayaa sheegay in ay Ciidamadooda ku joogaan Soomaaliya amar ay ka heystaan Midowga Afrika, wuxuuna caddeeyay in aysan wax wel wel ah ku heynin bixitaanka Ciidamada Itoobiya.

Major Ankunda waxaa uu intaas ku daray in inta ay joogaan Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ay sii wadi doonaan howlaha gargaarka ah ee ay u hayaan, “waxaan ka fekereynaa in aan weli heysanno door aan ku caawin karno dadka Soomaaliyeed si ay dib ugu helaan Qarannimadooda iyo xornimadooda”ayuu yiri Major Paddy Ankunda.

Ciidamada Amisom ayaa waxaa la dhisay sanadkii 2007, waxayna ahayd ujeedada loo dhisay in ay ka qeyb qaataan sugidda ammaanka Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, inkastoo aan loo soo dirin Soomaaliya Ciidamadii loo ballanqaaday oo ahaa 8,000 oo Askari.

Ilaa iyo haatan waxaa Amisom Soomaaliya ka jooga 3,500 oo Askari, kuwaasi oo ka kala socda Dalalka Uganda iyo Burundi, waxaana weli Soomaaliya soo gaarin Ciidamo kale oo laga sugayay Dalalka ku bahoobay Midowga Afrika.

Ugu dambeyntiina todobaadka soo socda ayaa saraakiil mileteri oo ka socda dalalka Uganda iyo Burundi waxay ku kulmayaan magaalada Kampala ee Dalka Uganda, iyagoo kulankoodana uga wada hadli doona saameynta  uu Ciidamadooda ku yeelan karo bixitaanka Ciidamada Itoobiya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia