Axad, August 17, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa waxay maanta ku toogteen Magaalada Muqdisho Ciise Cusmaan oo ka tirsanaa Hoggaamiye Kooxeedyadii ku bahoobay Isbaheysiga La-dagaalanka Argagixisada ee horaantii sanadkii 2006 Muqdisho lagu dhisay.
Ciise Cusmaan ayaa wuxuu geeriyooday kadib markii rag Bastoolado ku hubeysan ay ku dhaawaceen gudaha Daarta Mount Sinai ee ku taala inta u dhaxeysa Isgoysyada Siinaay iyo Afarta Jardiino, iyadoo sidoo kalena ay kooxahaas hubeysan dileen nin ilaalo ahaan ula socday.
Marxuumka oo goobta lagu toogtay dhaawac ahaan looga qaaday ayaa wuxuu geeriyooday intii Isbitaalka loo sii waday, waxaana dib loogu soo celiyay Hoygiisa, waa sida aan ka soo xiganay dad marxuumka ehello la ah.
Ciise Cusmaan ayaa markii uu burburay Isbaheysigii La-dagaalanka Argagixisada ee uu ka tirsanaa waxaa uu ku biiray Dowladda Federaalka, wuxuuna ka tirsanaa maamulka Gobolka Banaadir oo uu u qaabilsanaa dhinaca Hay’adaha Samafalka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia