Ururka Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta oo sheegay in uu Raashin Mucaawino ah u dirayo Soomaaliya

Cabirka Farta

Axad, August 17, 2008(HOL): Ururka Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in gargaar bani’aadannimo oo deg deg ah uu u dirayo Dalka Soomaaliya oo deegaano ka tirsan ay ka jiraan abaaro iyo macluul ba’an.

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Imaaraadka Carabta, ahna Guddoomiyaha Ururka Bisha Cas ee Imaaraadka Shiikh Xamdan Bin Zayid Al-Nahyan ayaa wuxuu Sabtidii aynu ka soo gudubnay wuxuu shaaca ka qaaday in uu dalka Soomaaliya u dirayo Raashin Mucaawino ah oo deg deg ah.

Xoghayaha Guud ee Ururka Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta Dr. Saleh Musa Al-Taee ayaa sheegay deeqda uu bixinayo Ururka Bisha Cas ee Imaaraadka ay tahay mid uu si shakhsi ah u bixinayo Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Imaaraadka Carabta, ahna Guddoomiyaha Ururka Bisha Cas Shiikh Xamdan Bin Zayid Al-Nahyan

Xoghayaha Guud ee Ururka Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta Dr. Saleh Musa Al-Taee waxaa uu intaas ku daray in ay dhawaan dalka Soomaaliya u dhoofi doonaan wafdi ka socda Ururka Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta, kaasi oo indha-indheyn ku sameyn doona meelaha ay abaaraha iyo macluusha ka jiraan ee dalka Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay Wafdigaas sidoo kale ka soo talo bixin doonaan suurtagalnimada in Ceelal biyoodyo laga qodo meelaha ay abaaraha daran ka jiraan  ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, Deeqdan uu bixinayo Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Imaaraadka Carabta, ahna Guddoomiyaha Ururka Bisha Cas ee Imaaraadka Shiikh Xamdan Bin Zayid Al-Nahyan ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo dadka Soomaaliyeed ay  dhawaan u bilan doonto bishii barakeysneyd ee Ramadaan, iyadoo dad badan oo Soomaaliyeed ay la soo deristay xaalad nolol xumo ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia