Hoggaamiyayaasha Ergooyinka Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo rajo ka muujiyay Wadada Hadallada Jibouti

Cabirka Farta

Axad, August 17, 2008(HOL): Hoggaamiyayaasha Ergooyinka Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ee uu shirka uga socdo Dalka Jibouti ayaa waxay rajo ka muujiyeen miro ka soo baxa Wada hadallada labada dhinac u socda.
 
Ra’iisal Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed  Cabdisalaan Xaaji Aadan oo ah Hoggaamiyaha Ergada Dowladda Federaalka   ayaa wuxuu sheegay in tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay labada dhinac heshiiska ku saxiixdeen Dalka Jibouti ay rajo wanaagsan oo nabadeed soo gashay Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo uu Dunida ka joogo, wuxuuna intaas ku daray in shacabka Soomaaliyeed ay haatan ka war dhowrayaan waxa ka soo baxa shirarka u socda guddiyada kala metelaya Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta.
 
Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan oo ka hadlayay furitaanka Shir shalay guddiyo ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta uga furmay dalka Jibouti ayaa  wuxuu u mahadcelin u jeediyay Wakiilka Xoghayaha Gudu ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah kaasi oo uu sheegay in uu nasiib u yeeshay in Arrimaha Soomaaliya loo soo magacaabo xili ay dadka Soomaaliyeed ka soo daaleen dhibaatooyinkii dhexmaray, Sidoo kalena wuxuu u mahadceliyay Dowladda Jibouti oo uu sheegay in dadaal u gashay sidii ay dhinacyada Soomaalida heshiis u gaari lahaayeen.
 
Sidoo kalena Waxaa furitaankii shirka Guddiyadaas ka hadlay C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah Hoggaamiyaha Ergada Wada hadallada Jibouti ee Isbaheysiga Dib u xoreynta , wuxuuna C/raxmaan sheegay in ay qiimo kasta siisanayaan ka miro-dhalinta dadaallada xalka loogu raadinayo Mushkiladda Soomaaliya, ayna geed dheer iyo mid gaabanba u fuulayaan sidii Dadka Soomaaliyeed ay Nabad, Qarannimo, Cadaalad iyo Midnimo ay ku gaari lahaayeen.
 
C/raxmaan C/shakuur oo sheegay in ay jiraan dad isku dayaya in ay wiiqmaan dadaallada xalka loogu raadinayo mushkiladda Soomaaliya, hadana waxaa uu carrabka ku dhuftay in dadka Soomaaliyeed badankood ay rabaan in dhibaatada iyo dowlad la’aanta laga baxo, ugu dambeyntiina uu guuleysan doono rabitaanka dadkaas.
 
Waxaa uu u mahadceliyay Hoggaamiyaha Ergada Isbaheysiga Dib u xoreynta ee Wada hadallada Jibouti Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah, Dowladda Jibouti iyo weliba Dalalka Caalamka, gaar ahaan kuwa ku howlan nabadeynta Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, Magaalada Djibouti  ee Dalka Jibouti ayaa waxaa ka socda Shir maalintii labaad galay, kaasi oo ay ka qeybgelayaan ergooyin tiradoodu gaareyso 32 xubnood  ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, kuwaasi oo ka wada hadlaya Arrimaha Siyaasadda iyo Ammaanka Soomaaliya, gaar ahaan keenista Ciidamo ka socda UN-ka, bixitaanka Ciidamada Itoobiya iyo weliba sidii ay dhinacyada Soomaaliya heshiis u gaari lahaayeen.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia