Axad, 17. 8, 2008 (HOL) Xaaladda ammaanka Magaalada Beledweyne ayaa degan kadib markii maalintii shalay dagaal culus ku dhaxmaray gudaha Magaalada Ciidamada Itoobiya iyo Xoogagga Maxkamadaha Islaamiga.
Waxaa dib u soo laabtay isku socdkii dadka iyo gaadiidka, waxaana sidoo kale maanta dib u furmay meelaha qaar goobihii ganacsiga ee xirmay maalintii shalay intii uu dagaalku socday, inkastoo ay jiraan qaar ka mid ah ganacsatada oo bilaabay in ay hantidoda la baxaan iyagoo ka cabsi qaba dagaal mar kale dib u soo laabta.
Xaafadihii maalintii shalay dagaalku ka dhacay ayaa marka aad eegto waxaa kuu muuqanaya xaddiga iyo culeyska uu lahaa dagaalka dhaxmaray labada dhinac, waxaana lagu arkayaa dadweyne intooda badan doonaya in ay soo eegaan sidii ay shalay wax uga dhaceen.
Dhinaca kale waxaa sii kordhaya tirada dadkii ku dhintay dagaalkii maalintii shalay ka dhacay Magaalada oo hadda mareysa ilaa 19 ruux oo u badan dad rayid ah kuwaasoo qaarkood habeenimadii xalay ay dileen Ciidamada Itoobiya, waxaana ka mid ahaa dadkii xalay Ciidamadu dileen ganacsade ka mid ahaa kuwa Qaadka kaas oo lagu magacaabi jiray Faarax C/laahi Dalabey (Faaraxey) kaasi oo maanta lagu aasay Magaalada Beledweyne
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia